SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maanta oo la filayo in Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo wali ka socda Muqdisho la soo gabagabeeyo



Waxaa maalinkii Shanaad si habsami leh uga socda Magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada Villa Soomaaliya Shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Weli waxaa la isku mari la’ayahay arrinta la xiriira dhismaha Aqalka Sare iyo saamiga Gobollada oo qaarna ay saluugsan yihiin kuwo kalena lagu heysto in loo sad buriyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maanta la soo gaban gabeyn doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®