SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wasiirka arimaha dibada ee Somalia oo sheegay in 13-ka bishaan Furmi Doonaa Shir ka Urur Goboleed IGAD


Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in dib loo dhigay shir Madaxeedkii Urur Goboleed IGAD ee maanta ka dhici lahaa Magaalada Muqdisho, islamarkaana uu shirka uu dhici doono 13-bishaan oo ku beegan maalinta Talaada ah.

Shirka oo horay loo shaaciyay inuu dhici doono 10-ka bisha September oo ku beegan maanta oo Sabti ah ayaa dib loo dhigay sababo aan la sheegin.

Wasiir Hadliye oo la hadlayay Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in shirka uu dhici doono 13-ka bishaan, isagoo xusay in Soomaaliya uu u yahay guul weyn oo u soo hooyatay, islamarkaana Caalamka tusaysa in Soomaaliya ka gudubtay dhibaatooyinkii ka jiray.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti, Kenya, Sudan, Uganda, Koonfurta Sudan, raisul wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ajendaha loogu hadli doono waxaa kamid ah arrimaha cakiran ee koonfurta dalka Suudaan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®