SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir oo Kansalay Socdaalkii Muqdisho Cabsi uu ka qabo in la xiro


Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa la sheegay inuu joojiyay ka qeyb galka Shir Madaxeedka IGAD Ee Qorshuhu yahay in lagu qabto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho 13-ka Bishaan oo ah Talaadada soo socota.

Sargaal u hadlay Dowladda Suudaan ayaa u sheegay Warbaahinta in Madaxweyne Al-bashiir uu joojiyay ka qeyb galka Shirka IGAD Sababo la xariira in lagu xiro Magaalada Muqdisho,maadaama ay Madaxweyne Al-bashiir ay ku raad joogto Maxkamadda Maxkamadda Dambiyada Adduunka ee loo yaqaano International Criminal Court (ICC) .

Cumar Al-bashiir ayaa qaba Cabsi ah in lagu xiri karo Muqdisho,maadaama Dowladda Federaalka ee Beesha Caalamka ay Taageerto aysan la heyn Awood ay ku Difaacdo ayna dhici kartana in Muqdisho Al-Bashiir oo Katiinadeysan laga kaxeysto.

Horay Shirka Midawga Afrika mar uu uga qeyb galay Dalka Koofur Afrika ayey Reer Galbeedku ku baaqeen in la xiro,balse Dowladda Koofur Afrika oo Heshiiska Maxkamadda International Criminal Court (ICC) Saxiixday wey diiday in ay dhiibto Al-bshiir Madaxweynaha Suudaan.

Soomaaliya Inkastoo aysan la heyn Awood looga baqo haddana ka mid ma ahan Dalalka Saxiixay ka mid noqoshada Maxkamadda ICC.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®