SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mareykanka iyo Ruushka oo Suuriya dagaalada kasocda ka heshiiyay


Xoghaya Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov

Mareykanka iyo Ruushka ayaa ku heshiiyay qorshe loogu talagalay in lagu dhameeyo colaadda ka aloosan gudaha waddanka Suuriya, iyo bilowga hannaan siyaasadeed oo ku meelgaar ah.

Xoghaya Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa sheegay in qorshaha ay ka mid tahay 7 maalmood oo xabbad joojin ah oo dalka oo dhan ka hirgasha, kana bilaabato markii ay qoraxda dhacdo maalinta Isniinta ah.

John Kerry ayaa sheegay in heshiiskan ay suuragal tahay inuu noqdo midkii soo afjari lahaa colaadda ay ku dhinteen dadka badan ee gaaraya 500,000 ee qof.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, oo laga tarjumayo ayaa dhankiisa heshiiska ku tilmaamay mid la taaban karo oo wax ku ool ah, waxa uuna intaa raaciyay in Moscow ay mar horaba u sheegtay Madaxweyne Asad-ka Suuriya inuu adeeco.

Dhanka kale ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Steffan de Mistura, ayaa sheegay in isfahankan uu la xiriiro soo celinta heshiiska hakinta colaadda ka socota Suuriya, iyo in marin loo baneeyo gargaarka bini'aadamnimo.
HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®