SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kongareeska Mareykanka oo meel mariyay in Sucuudiga la dacweyn karo


Burburka Daarihii Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York kaddib weerarkii 11 September 2001

Burburka Daarihii Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York kaddib weerarkii 11 September 2001.

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa waxa uu taageeray xeer u ogolaanaya qoysaska dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay weerrarkii 9/11 inay dacweeyaan dowladda Sucuudi Carabiya.

Hasayeeshee waxaa jirta cabsi ah in madaxtooyada ay xeerkaasi dul dhigi doonto codka qayaxan ee Veto-ga.

Aqalka Senate-ka ayaa si aqlabiyad ah ku meel mariyay tallaabadaasi bishii May, inkastoo dadka ka soo horjeeda ay ka digeen in ay haleyn karto xiriirka Mareykanku uu la leeyahay Sucuudiga.

Madaxweyne Obamana waxa uu ku adkaystay inuu awooddiisa diidmada qayaxan uu ku horjoogsan doono xeerkaasi.

Shan iyo toban ka mid ah sagaal iyo tobankii qof ee diyaaradaha afduubtay misana qaaday weerrarkii 9/11 ayaa waxa ay u dhasheen dalka Sucuudiga.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®