SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Yuusuf Kulmiye “Waxaan Marqaati ka ahay inta aan noolahay in Hotelada Baariyow One iyo Two uu leeyahay Cabduqaadir Baariyow”



Yuusuf Kulmiye oo ka Shifey arrimo badan

Waxaa ii suurta gashey in aan wareysto Yuusuf Kulmiye Culusow oo Goob joog u ahaa Wax badan ka og Qaabkii lagula wareegey Hoteladda Baariyow One iyo Baariyow Two Horaantii sanadihii Shagaashameeyadii haatana Dacwad ay ka taagan tahay waxaana weydiiney Yuusuf Maxaad ka ogtahay Hoteladaas waxaana uu yiri.

“Sananadiihii Shagaashameeydii ayaa waxaa dhacay in nin Dhintey oo lagu Magacaabo Cabdi Warsame isaaq kana mid ahaa Golihii sare ee Kacaanka uu bixiyey Jeegag Lacageed oo markii dambe ay Jeegagaas socon waayeen ayaa dadkii heystey Jeegagaas waxay qabsadeen oo ay Afduubteen Cabdiqaadir Baariyow maadaam uu damiintey Cabdi Warsame si arrintaas loo Furdaamiyo oo heshiis looga gaaro ayaa waxaa dhacay ” Waxaa uu intaas ii raaciyey mudane Yuusuf.

“Wada hadalo ka dhacay Muqdisho iyo Nairobi si arrintaa Xal looga gaaro ayaa Raggii Jeegaga Haytey waxay ku qancii waayeen Wada hadalkaas waxaa markii dambe arrintii soo dhex galey Cabdiuqaadir Baariyow Aabihii Xaaji Baariyow oo ka codsadey in Waqti la siiyo Wiilkiisa si arrinta Xal looga gaaro” waxaa intaa uu ku darey Mudane Yuusuf Kulmiye Culusow.

“Markii ay arrintu halkaas mareyso ayaa Raggii Jeegaga waxaay mar kale afduubteen Cabduqaadir Baariyow oo Jidil loo geystey si Xuna loola Dhaqamey sidoo kale waxay markii dambe Ragaas ay afduubteen Xaaskiisii iyadoo Xaalku uu murugsan yahay ayaa Cabduqaadir Baariyow Aabbihii oo nin wanaagsan ahaa waxaa uu ragii Afduubka ku wareejiyey Dukemntiyadii Labada Guri ama Labada Hotel”.

Waxaan weydiiney Yuusuf Kulmiye Culusow Lacagta uu damiintey Baariyow imisa ayey dhameyd waxaa uu ku jawaabey “ Lacagtaas waxay gaareysey 250 Kun oo doolar Shaqsiyan Aniga waxaan ka mid ahaa dadkii Lacagta jeegaga haystey waxay dhameyd 150 Kun oo Doolar inkastoo Qoraal ay soo saartay Xeer Ilaalinta aniga la ii qorey 100 Kun oo doolar hase yeeshee Cabduqaadir Baariyow Fursad lama siinin Lacagtaas uu ku bixiyo sidoo kale Guryahiisa lama qiimeyn si loo ogaado Qiimaha Guryaha iyo Qiimaha Lacagataas uu damiintey waxayna arrintu ku biya shubatey anaa koo Xoog badan”.

Waxaan weydiiyey maxaa ka Xasusataa Ragi lacagahaas lahaa waxaana uu yiri “Maryan Cabdulaahi Yuusuf Nin la yiraahdo Xasanow, iyo nin kale oo magaciisa la yiraahdo Cabduqaadir iyo Cali Carmaan waxaan kuu sheegayaa markii aan isugu tagney Nairobi ayaa waxaa halkaa ku arkey nin Magaciisa la yiraahdo Maxamed Amiin oo markaa Wakiil ka ahaa Cali Carmaan oo Lacagtiisu Dhameyd 50 Kun oo Doolar waxaana Maqley in Maxamed Amiin inta 50-kii Kun ee Doolar uu Celiyey ka dibna Hotel Baariyow Two Dukemntiyadoodii la wareegey kana ii iibsadey Shirkada Hormuud ma garan karo Sabab loo iibsado ama loo gato waayo waa Guryo Damiin lagu dhiibey “ waxaa intaa ku sii darey.

“ Hotelka kale ee Baariyow One waxaa iyana la wareegey Ragii kale oo ay Horkaceysey Maryan Cabdulaahi Yusuuf oo Lacagta la damiintey ay gaareysey 100 oo Doolar sida darteed wax Cudur daar ah ma laha in Guryahaas la sii haysto waxaan kuu sheegayaa in Xeer Ilaalinta aan u gudbiyey Qoraal Cadeynaya in aan marqaati ka hay in Hoteladaas uu leeyahay Cabduqaadir Baariyow dadka maanta haysto waxay ku haystaan Xoog iyo Sharcidaro”.

Gabagabadii waxaan weydiiyey Yuusuf Kulmiye Culusow Maxaad u soo jeedineysaa dadka maanta Hoteladaas ku ganacsanaya waxaana uu yirki “ Sidaan hore kuugu sheegey aniga waxaan ka mid ahaa Dadkii lacagaha Damiinta ku lahaa Cabduqaadir Baariyow waxaan aaminsanahy in Lacagtaas ay Khasaartey marka waxaan u soo jeedinayaa dadka maanta ku Ganacsanaya Guryahaas Xoolahooda Xalaal ku raadiyaan, sidoo kale dadka maanta haystaan Guryahaas ha yimaadaan Maxkamadda si halkaas loogu kala baxo, Dhinaca kale waxaana Bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in inta aan noolahay aan Maxkamadda ka Hor Cadeyn doono oo Marqaati ku furi doono in Hoteladaas uu leeyahay Cabduqaadir Xaaji Aadan Baariyow .

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®