SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Musharax Madaxweyne oo sheegay in Caburin ay Dowladu ku heyso oo xitaa ay u diidey in Boorar Xayeysiin ay dhegsadaan

Siyaasiga Cabdraxmaan Cabdishukuur Warsame oo ka mid ah Musharrixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynenimo ee dalka ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ay cadaadis iyo Caburin xoogan ku heyso Musharrixiinta.

Waxaana uu sheegay in Middaas ay wiiqeyso Hufnaanta sida uu hadalka u dhigay Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame.

Sidoo kale Musharraxan ayaa hoosta ka xariiqay in awooda Dowladda ay shaqsiyaad gaar ah adeegsanayaan taasina ay sahleyso ku tumashada Muwaadinka isagoo xusay in caqabado ay ka soo food saareen dhinaca Dowladda , xilli dalka ay ku sugan yihiin Musharrixiin fara ku tiris ah.

Waxaa kale uu Musharraxu wax laga xumaado ku tilmaamay in Xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ay fujiyaan Boorar qeyb ka ahaa Ololihiisa Doorashada.

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®