SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Galmudug oo Sheegtay in Dagaalkii ka Dhacay Bariga Gobolka Mudug ay ka Danbeeyeen Maleeshiyaad ka Soo jeeda Puntland

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee Maamulka Gal-Mudug oo la Hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in maleeshiyaad ka socda dhankooda ay ka dambeeyeen dagaalkii qasaaraha dhaliyay ee shalay ka dhacay bariga Gobolka Mudug.

Wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiintaa Maamulka Galmudug Mudane Cismaan Maxamed Cali Socdaal “Cismaan dheere” ayaa tilmaamay in maleeshiyaad ka yimaaday dhanka Maamulka Puntland oo aad u hubeysnaa ay weerar ku qaadeen dad kasoo jeeda dhanka Galmudug oo xiligaas ku sugnaa bariga Gobolka Mudug.

“Waan Maqalnay Dagaalada ka dhacay bariga Gobolka Mudug dhanka Galmudug, waxaa si cad ugu dambeeyay Maleeshiyaad kasoo jeeda dhanka Maamulka Puntland, Puntland oo mudooyinkii dambe siyaad xumo lagu ogaa ayaa haatan bilowday in dagaalo ay ka huriso bariga Gobolka Mudug dhanka Galmudug”, ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Galmudug.

Dhanka kale Wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiintaa Maamulka Galmudug Mudane Cismaan Maxamed Cali Socdaal “Cismaan dheere” ayaa ugu baaqay dhanka Maamulka Puntland in ay joojiyaan Colaada lagu hurinaayo Gobolka Mudug islamarkaana wixii la kala tabanaayo la iskugu yimaada miiska Wada-hadalka si loo xaliyo.

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®