SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowlada oo sheegtay in ay Dilshay Madaxii Al-Shabaab u Qaabilsanaa Degmada Qoryooleey

Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa la sheegay in Howlgal qorshaysan ay ka fuliyeen deeegaano ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen Madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Qoryooleey iyo lix askar oo la socotay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdikaamil Macalin Shukri oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen dilka Madaxiii Shabaabka u qaabilsanaa degmada Qoryooleey iyo askar kale oo la socday, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada ay joogteen doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mudane Cabdikaamil Macalin Shukri Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa hadalkiisa ku daray in Howlgalo kale ay qorshaynayaan dhawaan laga fulin doono qeybo badan oo ka Tirsan Gobolada dalka Soomaliya oo ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®