SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Sacuudiga oo beeniyey inay Shirkad Israel laga leeyahey loo fasaxay inay ku dhex ganacsadaan Xajka.

Hadal qoraal oo lagu soo daabacay Barta Twitterka ee ay Safaaradda Sacuudiga ee ku taalla Caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa lagu beeniyey in Shirkad laga leeyahay Yuhuudda la siiyey Qandaraas ay Qalab Elektoroonik ah kaga iibinayaan Dadka Xujeyda muddada lagu jiro Gudashadda Waajibaadka Xajka ee bishan Dul Xaj ee sannadkan 1437-da ee Taariikhda Hijiriyadda Islaamka.

Wargeyska Alahraam ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray in Shirkad laga leeyahay Yuhuudda lala galay Qandaraas ay Jijiamada ama Gacan-gashiga Elektroonikadda (?????? ) ama (Bracelet) kaga iibinayaan Xujeyda muddada lagu guda-jiro Gudashadda Waajibaadka Xajka ee haatan la guda-galayo.

Wargeyskaasi oo ku hadla Afka dowladda Masar ayaa qoray inay Warkaasi ka soo xigteen qaar ka mid ah Idaacadaha Yuhuudda

Safaaradda Sacuudiga waxay warka uu qoray Wargeyska Alahraam ku sheegtay mid Been Abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn, waayna ugu baaqday dhamaan Warbaahinadda inay la soo xiriiraan Waaxda Warfaafinta ee Safaaradda si loogu xaqiijiyo inuusan jirin Warka lagu daabacay Wargeyska Alahraam.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®