SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir oo aqbalay ciidamo shisheeye oo dheeraad ah

Madaxweyaha Suudaanta Koonfureed ayaa aqbalay in ciidamo shisheeye oo dheeraad ah la geeyo dalkiisa kaddib booqasho ay dalkaasi ku tageen xubno ka socda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Salva Kiir ayaa horey ugu gacan sayray ciidamadaasi, waxa uuna sheegayay in arrintaasi ay lid ku tahay madax bannaanida dalkiisa.

Muddo todobaadya ah ayay dowladdiisa cadaadis iyo goodis ah in lagu soo rogayo cunaqabatayn kala kulmeysay beesha caalamka, kaddib markii ay diidday inay aqbasho ciidammadan ka socda waddamada gobolka.

Hasayeeshee ugu dambeyntii ra'yigaasi waa ay badashay, oo haatan waxa ay sheegaysaa in ay ogoshahay in ciidammadaa dheeraadka ah ay dalkeeda soo galaan, kuwaasi oo xoojin doona ciidammada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee gaaraya 12,000 ee horayba halkaasi u joogay.

Kaddib shir dhex maray Madaxweyne Kiir iyo wafdiga ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu wasiirka arrimaha golaha wasiirada ee dalkaasi Martin Elia Lomoro, waxa uu sheegay in wali si qoto dheer looga shaqeynayo qaabka shaqo ee ciidamadaasi.

Waxa uuna intaasi ku daray in dowladdu ay sidoo kale fududeyn doonto dhaqdhaqaaqa xorta ah ee howlgalka Qaramada Midoobay, si ay gacan uga gaysato hawsha loo igmaday ee ah ilaalinta dadka rayidka ah iyo in dadka la gaarsiiyo gargaarka bani'aadanimo ee ay u baahan yihiin.

Wafdiga ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa saddexda maalmood ah, waxa uu booqday xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku yaal magaalada Juba iyo kuwa ku yaal waqooyi galbeed, waxa uuna wafdigani ugu baaqay dowladda in ay xaqiijiso in caddaaladda la hor keeno dadka lagu eedeeyay in ay gaysteen tacaddiyo ka dhan ah aadanaha.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®