SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xildhibaan Goodax oo Dowlada iyo Rugta ganacsiga ku eedeeyey in Musuq Maamsuq ay faraha kula jiraan


Xildhibaan C/laahi Goodax Bare oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka jiraan Musuq maasuq aad u weyn.

Waxa uu sidoo kale sheegay Guddiga Maaliyada ee isaga uu ka tirsan yahay in ay arkeen Musuq maasuq ka jira Hay’adaha Dowladda, loona baahan yahay in wax laga qabto arimahaasi.

Waxaa uu Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay ilgaar ah ku hayaan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay Musuq maasuq ka dhex jiran.

Xildhibaan C/laahi Goodax Bare ayaa sidoo kale sheegay in aysan wanaagsaneyn in Hantida Qaranka loo isticmaalo dano gaar ah.

Hadalka Xildhibaan C/laahi Goodax Bare ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan la filayo in Dalka ay ka dhacaan Doorashooyin.

Ugu Danbeyntii ayuu Sheegay in ay Tuugo Yihiin kuwa sheegta Rugta Ganacsiga Somalia oo ay ku xiranyhiin Ururo aan la aqoon cida ay u shaqeeyaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Canshuur dhaaf aan la ogeyn meesha ay ku socoto loo sameeyo ganacstada ka tirsan Rufta Ganacsiga oo aan sharica maliyada Dowlada Soomaaliya waafaqsaneyn .

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®