SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidmada Kenya oo sheegay in ay iska Xirneen Inta Badan Meelihii Al shabaab ay Weerarka uga soo Qaadi Jireen


Ciidamada ammaanka ee magaalada Mandeera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa la sheegay in wali ay qabaan feejignaan sare in kastoo wax weeraro ah aysan ka dhicin labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha degmada Mandheera Fredrick Shisia ayaa u sheegay wargeyska the Star ee dalka Kenya kasoo baxaya in saraakiisha iyo ciidamada ammaanku aysan ogolaan doonin wax jaanis ah oo weeraro lagu geysankaro ayna ka shaqaynayaan sidii ay u difaaci lahaayeen weeraro ay soo qaadaan Xarakada Al shabaab.

“Waxa aan ku guulaysanay in aan xirno inta badan meelihii Al shabaab ay weerarka kasoo qaadi jireen taasina waa sababta ay u awoodi waayeen in ay soo galaan degaanada Gobolka si ay noosoo weeraraan”.

Shisia ayaa tilmaamay in ay adkeeeyeen amaanka gaar ahaan xuduuda ay la wadaagaan Somaliya taasna waxa uu sheegay in ay hoos u dhigtay weeraradii ay geysan jireen Al shabaab labadii bilood ee u dambaysay sidoo kale wada shaqayn ka dhaxaysa maamulka Jubbaland ayuu xusay in ay hoos u dhigatay weeraradii ka dhici jiray Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®