SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wasiir Baydhabo ka sheegay in ay dileen 3 Dagaalyahan oo ka Tirsanaa Al-Shabaab


Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay kusoo bandhigay hub ay sheegeen in laga soo Furtay dagaalyahano ka Tirsan xarakada Al-shabaa kadib Howlgal ay ka sameeyeen deegaano ka Tirsan Gobolkaas.

Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciidanka Koonfur Galbeed Soomaliya in ay ku soo furteen 5 Qori oo AK47 ah iyo Agab kale oo ciidan, isagoo sidoo kale sheegay in Howlgalkaasi ay ku dileen 3 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) ayaa tilmaamay in Howlgalkaan uu ahaa mid qorshaysan uuna ka dhacay meel Deegaanka Labaatan-jirow 6KM ujirta islamarkaana ay mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Ciidamada Xarakada All-shabaab.

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakada Al-shabaab oo ay ugu Hadlayaan sheegashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®