SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Duleedka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay oo Labo Nabadoon lagu gowracay

Wararka laga helayo Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Xarakada Al Shabaab ay Duleedka Degmadaasi ku gowraceen labo Nabadoon.

Labadan Nabadoon oo weli aan magacyadooda la shaacin ayaa Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab sida la sheegay waxey ku bireeyeen Degaanka Tuurabuureey oo qiyaas ahaan 15Km dhinaca Waqooyi Galbeed uga beegan Degmada Bardaale ee Gobolkaasi.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Bardaale, Maxamed Isaaq Carecase oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay dhacdadaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Taliye Maxamed Isaaq waxuu intaasi ku daray in labada Nabadoon laga afduubtay Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Waxaa uu sheegay in aysan waxba kala socon sababta ka dambeysa in Al Shabaab ay gowracaan labadaasi Nabadoon.

Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo yeeray Xarakada Al Shabaab oo ku aadan Dilka labadaasi Nabadoon oo ka dhacay Duleedka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®