SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

IGAD oo 10-ka bishan shir uga furmayo Magaalada Muqdisho

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/Salaam Cumar Hadliye ayaa shaaciyay in Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD uu 10-ka bishan ka furmayo Magaalada Muqdisho.

Wasiir Hadliye oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa waxuu sheegay in Shirkaasi uu noqonayo kii ugu horeeyay oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD loogu qabto Caasimada Dalka Soomaaliya.

Mr. Hadliye ayaa waxuu tilmaamay in Shir Madaxeedkaasi ay ka qeyb gali doonaan Madaxweynayaahsa Dalalka Uganda, Kenya, South Sudan, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia.

Waxaa uu sidoo kale uu qeexay in Madaxweynaha Dalka Sudan , Salva Kiir uu ka soo qeyb galo Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo la filayo in lagu qabto maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay ka qeyb galaan Madax ka socoto Dalal dhowr ah, kaasi oo lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®