SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Shirka madasha wadatashiga Qaran oo Maanta la filayo in uu Muqdisho ka furmo

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa maanta la filayaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho, sida warbaahinta Dowladdu ay sheegtay.

Shirkan Madasha Qaran ayay horey Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ugu heshiiyeen in uu furmo 7 Bishan September, balse waa laga soo hormariyay maanta gelinka dambe ayaa la filayaa in uu furmo.

Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ayaa la filayaa in maanta gelinka hore ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirkan Madasha Wadatashiga oo ah midkii ugu dambeeyay oo ay yeelanayaan Madaxda Soomaalida.

Shirkan ayaa inta badan waxyaabaha diirada lagu saari doono waxaa ka mid ah turxaan bixinta Goalaha Sare ee Baarlamanka, sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa iyo arimo kale.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®