SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faah faahinta Qarax ka dhacay Duleedka Degmada Afgooye oo ay ku dhinten ciidamo Dowlada ka tirsan

Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay uu ka dhacay xalay fiidkii Duleedka Degmadaasi.

Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda lagula eegtay Deegaan 7 KM ujira Degmada Afgooye.

Sida ay sheegeen Dadka Deegaanka Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 5 Askari halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Degmada iyo ciidamada amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana halkaasi ay ka sameeyeen Howlgallo, inkastoo Howlgaladaasi aysan jirin cid lagu soo qab qabtay.

Maamulka Degmada ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano dheeraad oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay falkan.

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®