SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
04/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Soddon iyo lix ruux oo ku dhimatay Dalka Afghanistan Shil Gaari oo ka dhacey

Soddon iyo lix ruux ayaa ku dhimatay koonfurta dalka Afghanistan kaddib markii ay isku dhaceen bas rakaab wada iyo booyad shidaal.

Baska ayaa ka soo baxay Kandahar wuxuuna ku sii jeeday magaalada Kabul marka uu shilku ka dhacay Jildak oo ku taala agagaarka gobolka Zabul.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dhintay oo ay ku jiraan haween iyo caruur ayaan xataa la aqoonsan karin maadaama oo ay aad ugu gubteen dab ka dhashay shilkaas. Ugu yaraan 25 ruux oo kale ayaa ku dhaawacantay.

Dalka Afghanistan waxaa horay u soo maray shilal xunxun oo wadooyinka ka dhacay, inteeda badana waxaa sabab u ah wadooyinka iyo gawaarida oo aan dayactir wanaagsan helin.

Dadka dhaawaca ah waxaa loola cararay magaalada Zabul oo caasimad u ah gobolka Qalat, iyo gobolka Kandahar, qaarkoodna xaaladoodu aad ayay u liidataa.

Gul Islam Seya oo ah afhayeenka gafarnatooraha Zabul ayaa labada darawalba ku eedeeyay taxadar la'aan.

Jidka isku xira Kabul iyo Kandahar waxaa ka hawlgala malayshiyooyin darawalada qaarkoodna xawaare dheer ayay ku wadaan gawaarida si ay isugu dayaan in ay bandhtanka u galin dagaalada halkaas ka dhaca.

Bishii shanaad ee sanadkan 73 ayaa dhimatay kaddib markii ay isku dhaceen labo bas iyo booyad shidaal oo marayay wado wayn oo ku taala gobolka Ghazni.

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhimatay shil kaas la mid ah oo ka dhacay gobolka Kandahar bishii afraad ee 2013.

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®