SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
04/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Nin Tagsiile Soomaali Norwejiyaan ah oo Saakay Laga Helay meydkiisa Xeebta Norway


Allaha u naxariistee Caydaruus Cumar Faarax oo kamid ahaa Dhallinyarada ka shaqeysata Tromso ee Woqooyiga dalka Norwey ayaa meydkiisa laga helay Badda Magaaladaas saakay abaarihii 5:45 daqiiqo sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha Police-ka magaalaadaas.

Mustaf Cumar Faarax oo ah Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaaladaas Tromso oo ay walaalo ahaayeen Wiilka dhintay ayaa xaqiijiyey in la tusay oo kaliya wajiga meydka Walaalkiisa haseyeeshee loo sheegay in baaritaan lagu wado kadibna lagu soo wareejin doono reerka si ay u aasaan.

Allaha u naxariistee Caydaruus Cumar Faarax ayaa Muddo badan ka dhex shaqeynayay Gudaha Magaalada Tromso ee Woqooyiga dalka Norway, isagoo ahaa Taksiile si weyn loogu yaqaanay Magaaladaas.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®