SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
04/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Cabdiweli Gaas oo si kulul u weereray Madaxweynaha Soomaaliya ka dib markii uu sheegay in Puntland ay tahey Gobol 2.5


Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Cabduweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr. Gaas ayaa waxba kama jiraan waxuu ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in Maamulka Puntland uu ka kooban yahay labo Gobol iyo Bar.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Garoowe ayaa Madaxweyne Gaas waxuu tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan kala garaneyn Gobollada Puntland ay ka kooban tahay sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa Madaxweyne Gaas uu carabka ku adkeeyay in Maamulka Puntland lagu aasaasay 5 Gobol, haatanna uu marayo ama gaarayo ilaa iyo 9 Gobol, sida uu hadalka u dhigay.

Mr. Gaas ayaa waxuu sidoo kale qeexay in Maamulka Puntland ay diyaar u tahay in Madaxweyne Xasan ay kala baraan Degaanada Maamulkaasi hadii uusan kala garaneyn.

Sikastaba, hadalkaan ayaa Madaxweyne Gaas waxuu ka jeediyay Magaalada Garoowe, xili uu muddooyinkii dambe uu safaro kala duwan ku soo kala bixiyay Dalalka Djibouti, Ethiopia iyo Turkiga.

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®