SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
04/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

IGAD oo Lagu Eedeeyay in Beelo Gaar ah ay Siisay Xubnaha Ugu Sareeya Maamulka Loo Sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe


Waxgaradka Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa ku eedeyay Urur Goboleedka IGAD in uu si hoose u bixiyay xubnihi ugu muhimsanaa maamulka loo soomeynayo Gobolada Hiiraan iyo SHabeelaha dhexe

Khilaafka Hor taagan Dhismada Maamulka Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waji kale yeeshay ka Dib markii Urur Gobaleedka Bariga Africa ee IGAD uu la Wareegay Maamulida Howlaha dhismaha Maamulka Gobaladaasi uu Si hoose Beelo gaar ah u Siiyay Xubnaha ugu Sareeya Maamulka loo Sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Sida Madaxweynaha,Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baraalamaanka.

Nabadoon Yaxyeoo ka Mid ah Waxgardka Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa ku eedeeyey IGAD in ay Si Hoose ugu Qeybisay Madaxda Sare ee Maamulkaas sida Madaxweynha, Maxdaweyne ku xigeenka ,iyo Gudoomiyaha Baraalamaanka taasi oo Sheegay in ay Tahay mid Sharci daro ah oo uu sameeyey Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Afey.

Nabadoonka oo si hadlayey ayaa Tilmaamay Odayaasha Beelaha Gobalka Shabeelaha Dhexe oo iska Dhex waayey Shaxda Maxamed Cabdi Afey uu ku qeybiyey Madaxda Maamulka Goabalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay iskaga Baxeen Magaalada Jowhar oo lagu Wado in uu Dib uga Furmo Shirka maamul u sameeynta Gobaladaasi.


HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®