SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
04/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay inay taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka


(Villa Somalia)--Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay haweenka xubnaha ka aha Baarlamaanka Federaalka iyo haween ka tirsan ururrada bulshada.

Kulankan oo looga hadlayey qoondada 30% ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka, ayaa Madaxweynaha waxaa uu haweenka u sheegay in shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ee bishii August lagu go'aansadey in si buuxda loo fuliyo qoondada haweenka ee doorashada 2016.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, iyagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka.

------------------------DHAMMAAD------------------------

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®