SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Hoggaamiyaha mucaaradka Gabon Jean Ping oo sheegtay madaxweynenimo

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Gabon Jean Ping ayaa ku dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha saxda ah ee dalkaasi.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Libreville ayaa waxa uu mar kale ku celiyay dalabkiisa ah in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay doorashadii toddobaadkii hore ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Cali Bongo ayaa doorashadaasi ku guuleytay codad gaarsiisan 60 kun oo kaliya, waxaana arrintaasi ka dhashay dibadbaxyo rabshado wata oo ay ku dhinteen shan qof halka kummanaan kalena xabsiga la dhigay.

Taageerayaasha mucaaradka oo muddo saddex maalmood ah ku xayirnaa gudaha xarunta xisbigooda ayaa hadda loo ogolaaday in ay halkaasi ka baxaan.

Ciidamo ayaa isku gaadaamay dhismahaasi kaddib markii mucaaradka madaxweyne Bongo ay dab qabadsiiyeen dhismaha baarlamanka dalkaasi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®