SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo sheegay in Qaraxyada iyo Danbiilayaal Badan oo La Qabtay ay uga Yimaadeen koonfurta Soomaliya

Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay hadal shalay kasoo baxay Maamulka Galmudug ee ku aadanaa in qayb yar oo maamulka Puntland ka tirsan inay ka danbaysay xayiraadda ganacsiga iyo kala qoqobka bulshada labada Maamul.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Soocadde oo la Hadlay Voa-da isagoo ka jawaabayay hadalka Galmudug ayuu sheegay in qorshohooda Gaadiidka lagu baarayo uusan ahayn mid Ganacsiga lagu xannibayo balse uu yahay qorshe Ammaan oo loogu danaynayo Maamulka Puntland.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Mudane Maxamuud Soocadde ayaa tilmaamay in deeganada Maamulka Galmudug ay yihiin meel ay soo maraan Xarakada Al-shabaab sidaasna ay falal amnidaro ay kaga geystaan deeganada Puntland.

“Qaraxyo iyo danbiilayaal badan ayaa la qabtay mudooyinkii dambe , dhammaan dadka laqabtayna waxay ka yimaadeen koonfurta iyo bartamaha dhulka badankooda waxa ay ka yimaadeen dhanka Galmudug” ayuu yiri Wasiir Soocadde.

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Golaha wasiirada Maamulka Galmudug ayaa loogu dooday xanibaada ay Puntland kusoo rogtay Gadiidka ka imaanayay Koonfurta iyo bartamaha dhulka Soomaliya iyagoo sheegay in arintaas ay ka dhalan karto ciwaaqib xumo.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®