SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al Shabaab oo dib uga Laabtey deegaanno ay shalay Galinki hore la wareegeen oo ku yaala Gobolka shabeelada Hoose

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose Wararka laga helayo ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay dib u baneeyeen deegaanada Cadow Dibille , Laanta Buuro iyo Muuri oo shalay ay kala wareegeen Ciidamada dowladda kadib markii dagaal qaraar ay ku soo qaadeen deegaanadaasi.

Walow ay jireen isku dayo shalay ay Ciidamada dowladdu ku doonayeen in ay dib ugu soo ceshtaan deegaanadaas hadana waxaa taasi suura galin weysay ka gadaal markii ay iska caabin xoogan kala kulmeen Ururka Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Dagalyahanadii Al Shabaab ee deegaanadaasi baneeyay ay fooda soo aadiyeen dhanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ilo wareedyo ku sugan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan degmadaasi xalay uu soo food saaray qal qal xoogan kadib markii ay ka war heleen in dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay guud ahaanba hareereeyeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba deeganaada ay saaka baneeyeen Dagaalamayaasha Al Shabaab sida Cadow Dibille , Laanta Buuro iyo Muuri aysan jirin cid ku sugan labada dhinac ee Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®