SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Galmudug oo ku baaqday in Puntland ay ka laabato go’aankii ay ku mamnuucday Gaadiidka ka yimaada Koofurta

Xilli Maamulka Puntland ay mamnuuceen Gaadiidka ka soo gala deegaanadooda dhanka Koofurta Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas baaq ka soo saaray maamulka Galmudug.

Wasiirka Dastuurka Maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa sheegay in saameyn ay ku yeelatay go’aankaasi shacabka deegaanada Galmudug isagoo ka dalbaday in Puntland go’aankaas dib uga laabato.

“ waxaan soo jeedinayaa in aan colaad la kala dhex dhigan shacabka Waqooyiga iyo Koofurta Gaalkacyo kala degan oo walaalo ah” ayuu yiri Wasiir Cismaan Maxamed Cali.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay soo fara geliyaan go’aankaasi Puntland ay soo saareen.

Wixii ka dambeeyay weeraradii dhawaan ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo masuuliyadooda ay sheegteen Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa soo shaac baxayay xiisadda ka aloosan Magaalada Gaalkacyo oo labo qeybood ah ee Koofur iyo Waqooyi kalana maamulaan Puntland iyo Galmudug.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®