SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Somaliland ” Cid hubeysan laguma arki karo deegaanada Somaliland”

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in cid hubeysan aan lagu arki karin deegaanada iyo sidoo kale magaalooyinka maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dagaal beeleedyo ay ka dhacaan gobolada maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa ku hanjabtay in ay tilaabo ka qaadi doono cidwalba oo lagu helo in ay hurinayso dagaal beeleedyada ka jira deegaano dhowr ah oo hoos yimaada maamulka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cismaan Cabdulaahi Saxardiid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Somaliland uu amray in tilaabo laga qaado cidwalba oo lagu helo in ay hurinayso dagaal beeleedyo iyo cidwalba oo hubeysan oo ku sugan deegaanada Somaliland.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®