SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo Gacanta lagu dhigay

Ciidamada Nabad Sugidda Ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in Magaalada Baydhabo ay ku qabteen Sargaalkii ugu sareeyay Kooxda Daacish ee Soomaaliya gaar ahaan Sargaalkii ugu sareeyay Gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Koofur Galbeed ayaa Xusay in Sargaalka oo aysan Magaciisa sheegin iyo Saddex Dagaalame oo la socday ay Gacanta ku dhigeen,waxaana Maanta lagu soo bandhigay Magaalada Baydhabo oo hadda Xarun KMG ah u Maamul Goboleedka Koofur Galbeed.

Sargaalkaan ayaa Nabad Sugidda Koofur Galbeed ku sheegtay inuu ahaa Madaxii ugu sareeyay Kooxda Daacish ee Gobolka Baay islamarkaana qabashadiisa ay Muhiimad weyn u leedahay Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Qabashada Sargaalkaan la sheegay inuu ahaa Madaxii ugu sareeyay Daacish ee Gobolka Baay ayaa ku soo aadeysa Xilli Mareykanka uu Liiska Argagixisada ku daray C/qaadir Muumin oo ah Madaxa Daacish ee Buuraleyda galgala.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®