SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha “Raali kama aheyn dib u dhaca ku yimid Doorashada”

 

Iyadoo dhowaan la filayo in ay Dalka ka dhacaan Doorashooyin ayaa Madaxweynha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in uusan raali ka aheyn dib u dhaca ku yimid Doorashada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Labo Bilood lagu daro waqtiga Doorashada aysan raali ka aheyn Dowladiisa balse ay sababeen duruufo jira oo la doonayo in la xaliyo waqtiga Doorashada ka hor.

Wuxuu sheegay Afartii sano ee uu xilka hayay in uu wax badan qabtay, sidoo kalena uu codsaday in markale codka la siiyo si uu u dhameystiro waxyaabaha kale ee u harsan.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda ay sugaan amniga xilliga Doorashada, si looga hortago weerarada Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada qaar ee Dalka.

Al-shabaab ayaa laga cabsi qabaa in ay weeraro ka geystaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka xilliga lagu guda jiro Doorashooyinka Soomaaliya.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®