SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka Afgooye oo ka warbixiyay Weerar Al Shabaab ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda

 

Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Xoogaga Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka dhinca amniga iyo siyaasasada ee Maamulka Degmada Afgooye, Mahdi Axmed Xasan ayaa waxuu sheegay in Al Shabaab ay 3 Ruux oo Shacab ahaa ku Dileen Degaanka Cadoow-dible

Isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, ayaa Mr. Mahdi Axmed Xasan waxuu xusay in Weerarkaasi uusan wax khasaaro ah ka soo gaarin Ciidamada Dowladda.

Mr. Mahdi ayaa Al Shabaab ku eedeeyay in 6 Ruux oo Shacab ah ay ka qafaasheen Tuulooyin dhaca Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka dhinca amniga iyo siyaasasada ee Maamulka Degmada Afgooye ayaa waxuu tilmaamay in ay ka go’an tahay sii wadida howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Muddooyinkii dambe waxaa qeybo ka mid ah Gobolka Sh.Hoose gaar ahaan fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM lagu beegsanayay Weeraro gaadmo ah oo ay soo qaadeen Al Shabaab.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®