SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Waxgaradka G/ Hiiraan oo Gaf ku Tilmaamay Hadal Saxaafada uu Siiyay Maxamed Cabdi Afey

Waxgaradka Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ka soo Horjeedsaday hadal uu Saxaafada Siiyay Wakiilka Urur Gobaleedka Bariga Afrika ee IGAD u Qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo ahaa in IGAD ay Dadajinayso Qorshaha Maamul u sameynta Labadaas Gobal ka hor Waqtiga Doorashooyinka dadban ee dalka ka Qabsoomaya Dhamaadka Sanadkaan.

Nabadoon Muuse oo ka Mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa Nasiib daro ku Tilmaamay Ururka IGAD uu Faraha lagalo Arimaha la xariira Masiirka Bulshada Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxa uuna intaa ku daray in aysan Aqbalayn Qorshaha Maxamed Cabdi Afey.

Nabadoon-ka ayaa Wakiilka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya ku Eedeeyey in uu ku Xadgubay Xeerarka Caalamiga ah ee Diblomaasiyada iyo Madax banaanida Soomaaliya asagoo Gaf ku Micneeyey Hadalka Mr Afey ee ahaa in Magaalada Jowhar ay si deg deg ah ay u yimaadaan Odayaasha beelaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe is loo Amba qaado Shirka Maamul usameynta Gobaladaaasi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®