SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dr Cabdiweli Gaas oo Jabuuti kula Kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo oo muhim ah ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Turkiga ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan dhexmaray labada Madaxweyne ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee u dheexeeya dawladda Jabuuti iyo Puntland iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, ganacsiga dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-gashiga.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku ammaanay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle doorka ay dawladdiisu ka qaadatay tababarrada ciidamada Puntland iyo iskaashiga dhinaca Ganacsiga gaar ahaan is dhaafsiga badeecadaha iyo xoolaha.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay dhiggiisa dawladda Jabuuti sidii ay maalgashi ugu samaysan lahaayeen Puntland iyo sidii ay diyaaradda Jabuuti Airline duullimaad uga bilaabi lahayd garoonka caalamiga ah ee Boosaaso, si loo dar-dargeliyo xiriirka dhinaca gacansiga labada dawladdood oo hadda ku kooban dhinaca badda oo keliya.

Geesta kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isbedellada dhinacyada horumarinta, dhismaha ciidanka iyo la dagaallanka kooxaha xagjiriinta ah ee al-shabaab ee uu ku tallaabsaday muddadii uu hayey hoggaanka Puntland.

Ugu dambayn labada Madaxweyne waxay kawada hadleen doorashooyinka ka qabsoomi doona dalka Soomaaliya bilaha soo socda iyo suurtagal-nimada ah in doorashooyinkaasi aanay waqtigooda dib uga dhicin marka loo eego duruufaha ku xeeran.

—DHAMMAAD—

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®