SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xarakada Al-shabaab oo Soo Bandhigtay Magaca Ninkii Fuliyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Lagu Qaaday Hotelka SYL

Xili Todobaadkaan Gudihiisa gaari waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen lagu weeraray afafka hore ee xarunta Madaxtooyada Soomaliya ayaa xalay waxaa warbaahinta Al-shabaab laga baahiyay codka nin la sheegay in uu ahaa shaqsigii Fuliyay weerarka.

Idaacada ku hadasha afka xarakada Al-shabaab Andallus ayaa baahisay codka iyo dardaaran uu jeedinayay ninkii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 40-ruux.

Ninkaan ayaa Al-shabaab waxay magaciisa ku sheegeen Jaabir C/llaahi Diiriye oo 44 jir ahaa, kuna dhashay deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya, waxayna Al-shabaab sheegtay inuu ka soo jeedo Beesha Mareexaan.

Jaabir C/llaahi Diiriye oo al-shabaab tilmaameen in uu ahaa ninkii fuliyay weerarkiii Hoteelka SYL ayaa codka laga duubay ku sheegay in fulinta weerarkiisa uu Alle ugu dhowaanayo wa siduu hadal u dhigeen uuna naftiisa u hurayo leynta wax uu u ku tilmaamay cadowga Alle.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®