SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xaruntii Baarlamaanka Dalka Gabon oo ay Gubeen Mucaaradku ka dib markii laga guuleystey

Mucaaradka madaxweynaha Gabon, Cali Bongo, ayaa dab qabadsiiyay baarlamaanka dalkaasi.

Waxa ay ka caraysan yihiin natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday Sabtidii, oo la shaaciyay in madaxweyne Bongo uu kaga guuleystay ninka ay sida weyn u loolamayeen ee Jean Ping.

Booliska caasimadda Libreville ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si uu u kala eryo taageerayaasha Mr Ping, oo rumeysan in doorashada looga shubtay.

Mr Bongo ayaa la sheegay in uu codad ka yar 600 oo kun kaga adkaaday Mr Ping, ayadoo gobolka uu madaxweynaha kasoo jeedo uu u codeeyay ku dhawaad 100%.

Qoyska Bongo ayaa talada dalkaasi shidaalka qaniga ku ah hayay ku dhawaad nus qarni.

Rabshado ayaa dalka Gabon ka bilowday ka dib markii la shaaciyay in dib loo doortay madaxweyne Cali Bongo.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®