SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mulkiilaha Facebook oo Hadiyad u siiyey Diyarad Baadariga Ugu Sareeya Kiristaanka

Mulkiilaha shabakada xidhiidhka bulshada ugu wayn dunida ee Facebook, Mark Zuckerberg iyo Xaaskiisa Priscilla Chan, oo booqasho

ku tagay dalka Talyaaniga ayaa xarunta Vatican-ka kula kulmay baadariga ugu sareeya kaniisada Pope Francis, kaas oo kulan gaaban ka dib uu Mark Zuckerberg siiyay haddiyadii gaarka ahayd ee uu ugu soo talo galay guddoonsiiyay, laakiin waxa ay ahayd hadyadii ugu sharaxaada dheerayd ee abid la siiyo baadariga ugu sareeya diinta Kiristaan.

Haddaba maxay ahayd hadyadani? Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, baadariga ayuu mulkiilaha facebook, hadiyad u siiyay diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ah, taas oo aan ahayn kuwa Maraykanka iyo Israel wax ku duqeeyaan ee gantaalaha qaada, balse ah mid qaada oo sida internet loogu talo galay, meelaha dadyowga ugu saboolsan dunidu ku nool yihiin.

Diyaaradan oo lagu magacaabo, Aquila, ayaa ah mid ku shaqaynaysa falaadhaha qoraxda (Solar-Power), waxaanay meelaha aadka ugu durugsan magaalooyinka iyo korontada siinaysa internet, xawaarihiisu fiican yahay oo ay kaga kaaftoomi karaan ka magaalada.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®