SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Odayaasha iyo Waxgaradka Hiiraan oo ka soo horjeestey Hadalkii shalay ka soo yeeray IGAD iyo Dowlada ee shirka Jowhar

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ka horyimid wararka sheegaya in maalinta Sabtiga ah uu shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu dib u furmaayo.

Nabadoon Xirsi Dacar oo ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan waxgaradka gobolka Hiiraan aysan ka qeyb gali doonin shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay dowladda Shaacisay in uu 3 bishaan uu ka furmayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu sheegay in ay haboon tahay inaan la isku dirin dadka kunool gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD ayaa shalay shaaciyay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu Sabtiga dib u furmaayo.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa horay u diiday in ay la midoobaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana waxgaradka qaarkood ay ku doodayaan in ay haboon tahay in Hiiraan loo dhiso hal maamul goboleed.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®