Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/09/2015
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guryo Noqoshadaydii Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ay xarun u tahay ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay kaga nool yihiin caalamka waana hanti qaran u dhaxaysa dhaman Soomaalida waana hooyada Dowladnimada,waana halka laga asiibay jiritaankii dowladnimo ee ummadda soomaaliyeed mudo ku siman 25 sano.

Magaalada waxaa ay soo martay marxalado kala duwan oo dhaxal siiyay bur bur, barakac, dib u dhac iyo magac-dil xoogan oo ay magaaladu abaal marin uga heshay caasiyaashii wax ku bartay, ku koray kuna noola markii ay bilneyd.

Ma doonayo in aan ku dheerado wixii horay u dhacay sax iyo khaladba waxaanse wada ognahay inay wax badan dhaceen oo aan habooneen laakin wixii qoran waxaa ay u dhacayaan sidii rabi ku qoondeyay.

Maanta iyo Muqdisho Marka aad ka maqan tahay magaalada Muqdisho, waxaad ka maqashaa waa inta xun ee xamar sida dagaalo, qaraxyo iyo xasilooni daro xoogan oo ayciidmadii qalabka sidaa samaynayaan sida boob iyo dil ay ku hayaan shacabka magaalada gudaheeda degan oo ka mudnaa u adeegida iyo ilaalinta jirtaankooda amnigooda.

Intaas marka ay kulansadan dhagahaaga waxaad dareenta waa quus iyo niyad jab, nabar aan daawo lahayn iyo dib u milicsigii wixii horay u dhacay.

Dibad kama iman iyo meel dheer waxaan kamid ahaa muwadiinta kunool gudaha dalkooda, jecelna hormarkiisa iyo dib u soo kabashadiisa.

Markan soo gaaray magaalada Muqdisho wixii ugu horeyay ay indhahaygu qabteen wuxuu ahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade oo ay iigu dambaysay sanadkii 2007-dii laakin aad iyo bay u kala duwan yihiin. Shalay wuxuu ahaa meel aanan u diyaarsaneen gudashada shaqadii sababo la xiriira amni darro, maantse waa ku indho daran dari doonta hanankiisa shaqo iyo dib u dhiskii xooganaa uu ka helay dowladda Turkiga.
Muuqaalka aragiyo maqalbkuba u kala roon

Magaalada Muqdisho waxaa ay gacan weyn ka heshay muwaadinta Soomaaliyeed oo dhaqalahoodi galiyay magaalada waxa ay aad uga duwan tahay sidii ay ahayd 2013 iskaba daa sanadihii ay magaaladu dugsan jirtay dugaaga iyo dirhanka hirarka badda Muqdisho. Waxaa ay ku tilaabsatay hormar xoogan oo dhanka dhismaha ganacsiga ah, waxaana laga dhisay dhismayaal dhaadheer oo la jaanqadi kara kuwa dhigooda ah ee caalamka ka jira.

Jamacadaha, bankiyada, duulimadyo, isgaarsiinta xarumaha caafimadka iyo goobaha lagu qaxweeyo oo dhamantood adeega heer caalami ah ayaa magaaladu hanatay mudooyinkii ugu dambeyay.

Aminga Magaalada dib u soo noqoshada amniga magaalada waxaa uu kaalin weyn ku leeyahay hormarka dhan walba leh oo ay magaaladu gaartay iyo kuwa kale oo ay magaaladu ku taamayso in ay gordhow gaarto.

tilmaamihii ku dhisna cabdisada iyo wal walka ku salaysnaa ee qof walba oo aan joogin magaalada ku beerna laakin magaalada waxaa ka jira amni buuxa oo dhan walba leh inkastoo oo Muqdisho kala siman tahay magaalooyinka waaa weyn ee caasimadaha u ah dalalka dunida sadexaad iyo kuwa horay u marayba.

lama dafiri karo in wali magaalada ay dhinaca ka joogan haba taag yaradeene qaar ka tirsan al shabab ayna magaalada ka fuliyaan weeraro gaadma ah oo ay ku dhibatenayaan shacabka.
la yaabkaygii Muqdisho.

Baratanka hormarka kajira soomaaliya waxaa qayb ka ah ka ganacsiga waxbarashada guud ahaan dalkeena gaar ahaan magalooyinka waa weyn. Muqdisho waxaa ay hogaaminaysa ganacsiga waxbarashada gaar ahaan jamacadaha oo hadda ah fursad ganacsi oo u furan qof walba oo xooga lacag ah qasnada ugu jirto ama heli kara dayn iyo deeqba.

Muqdisho waxaa ku yaala 49 jamacad oo dhamantood ay adag tahay in aad ogaato waxyabaha ay ku kala duwan yihiin marka laga reebo astan garbiga ugu dhagan magaca ay huwan tahay jamacada iyo goobta ay ku taal.

Xarumaha jamacadeed ee ka jira Muqdisho waxaa ay sanad walba u kala hormaran helitanka arday cusub oo kamid noqda kuliyada isku midka ah ee ay wadagan jamacadaha magaalada waxaase ayaan daro ah in ganacsatada waxbarashada ay lumiyeen fursado badan oo maanta kajira dalka gaar ahaan Muqdisho.
waxaa hubanti ah in ay kaalin ka qaateen soo saarista aqoon yahano da'yar oo kusoo biiray saaxada inta ka xorowday jahliga tayadoodu haba yaratee.

Gunaanad
Shalay iyo maanta Muqdisho waa isla magaaladii xudunta u ahayd ummada Soomaaliyeed, inkastoo garashada iyo fahamka dadnimo uu yahay hormarka iyo hiigsiga dal walba ku gaaro himilooyinkiisa fog iyo kuwa dhowba.

Qof walba oo Soomaali ah hadii uu dhab u baaraarugo oo uu garto in dal walba in dadkiisu dhistaan waxaa dhici doonta in magaalada Muqdisho ay noqoto mid la tartami karta caasiamadda dunida.
FG magaalada Muqdisho waxaa ay ummadda u sinan karan marka qof walba oo muwaadin ah oo hanti ma guurta ah kaga maqan tahay dib loogu celsho inta la dulmiyayna laga dalbo saamaxad dadkayguna isku niyad xaarnaadan, waa marka Soomaali ay dhab u heli doonto walaltinimadii iyo waxqabad ka fog cudurka qabyalada la yirahdo
Dhammad
W/D Sharma'arke Maxamed Warsame (Gardarro)
sgardarro2013@gmail.com
0617900003/0907603797

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®