Kuwa Soomaalinimadii
Sharafta Lahayd Ka Doortay Isaaqnimo Aan Meelna Gaynayn.
Adiga wax ala wax lagu yiraah lama garanayo!
Reer Yurubka aanu maanta dhex joogno ayaa waxay Talyaaniga
ku xantaan inuu yahay (The sick man of Europe). Waxa adiga
maanta meel walba lala fadhin la,yahay calaacalkaagi, taahaagi,
iyo tiiraanyadaadi oo sidii adigoo geelaagi la dhacay ayaa
cabaadkaagi lala joogi la,yahay meel walba.
Malaha wax kuu maciino ayaadba la,adahay ee waxaad ku sugan
tahay heer aad sankaaga ka qolfaysato ama aad ka xabkaysato.
Magaca Isaaq oo hadii la sarifo aanba goynayn koob shaaha
qofka meelahaas wadwada soo qof waalan oo maryihii dhigtay
maaha, amaba waali soo wata.
Adugu bal waxaad is waydiisa goorta uu qof Ilaahay kasoo jeediyay
qabiilka Hawiye ama Daarood uu adiga cadawgaaga noqday waa
goorma? Bal yaa ii sheegi kara goorta uu qabiila la dhaho
Hawiye ama Daarood iyo qabiil la dhaho Isaaq cadaw isu noqden
amaba cadaawad isu qaadeen, waa goorma goortaasi?
Hadaad haamooteen oo uu damac ilaa iyo heerkaas ah ini galay
iyo inaad damacdaan inaad kaligiin Dawlad isku magacawdaan,
oo aad ka go,adaan Soomaali inteeda kale, sow ceeb idinkuma
aha oo waliba doqonimo midda ugu wayn soomaha?
Qabiilka Isaaq la yidhaah wuxuu ka masuul yahay amaba qabiilada
Soomaaliyeed u horseeday in uu Qarankii Soomaaliyeed kala
jabo, waliba waxay muujiyeen heerka uu gaadhsiisan yahay aaminada
qabiilkooda.
Dunida waxaa ugu daran cudurka uu qofku isku rido! Shalay
Dawladii ninkii Maxamed Siyaad la odhan jiray markay dhacday
waxaad is galisay cudur aan loo baahnayn oo waxaa cudur wayn
kugu noqotay in aad ka aamin baxdo midnimadii, qaranimadii,
dawladnimadii, Soomaalinimadii iyo walaaltinimadii idinka
dhaxaysay Soomaali inteeda kale.
Somaliland oo ka mid ah Somaliya in ay ka go,do Soomaali inteeda
kale, marnaba waa wax aan la isoo marsiin karin, wax caqliga
galayana ma aha, oo waayo dadkan ay fogeenayaan ee ay Soomaalinimadii
iyo wadaninimadii kala noqonayaan maanay dad Soomaali oo walaalahood
ah oo waliba Muslim ah ahayn.
Bal sababta aad Soomaali inteeda kale maanta aad uga go,aysaa
maxay tahay? Ma waxaad leedahay waa la i ciilay oo waa la
i xasuuqay iyo sheeko caruureed? Daarood iyo Hawiye oo aad
ogtahay waxa kala qabsaday 1991, iyagoo markasta is dagaalsan
oo waliba xin aad u wayni ka dhaxeeyo, sowkuwa Barlamanka
Somaliya wada fadhiya, dadka sidaa isu neceb sowkuwa maanta
miiska wada fadhiya maaha? Bal adigu ma waxaad leedahay Isaaq
baan ahay? Ileen annagu garan mayno wax aanu kugu tilmaane,
dee malaha Soomaali maba tihidiin, waxaad ka dhamaan la,adihiin
Morgan baa xasuuq noo gaystay iyo Koonfur baa na xumaysay,
waxaasi hadey yihiin sababta aad Somaliland isugu magacawdeen,
haddaba waayahee bal aduunka meel kasta martayoo dacaskiina
kaaga dhamaadee wali cid ku leh anagaad aqoonsi naga helaysa
miyeey jirtaa?
Aduun iyo aakharaba waxaad u seegtay oo ay kabuhu kaaga dhamaadeen
sidaad saddexdan Malyan ee ku nool Gobollada Woqooyi aqoonsi
ugu heli lahayd, walibo adigoo meel kasta maray, hada waa
meel kasta.
Isaaq! Bal waxaan ku su,aalay goorta uu qof Soomaaliyeed oo
Ilaahay u dhaliyay qabiilka Hawiye amaba Daarood uu adiga
cadawgaaga noqday waa goorma? Miyeydaan marnaba is su,aalin?
Goorta uu qofka Ilaahay uu kasoo jeediyay labada qabiil ee
Daarood iyo Hawiye ee inta dunidan uu dal, dad, af, dhaqan,
dhiig, lafo, dheecaan, hees, gabay, geeraar iyo wax walba
aad wadaagtaan- goorta uu kaasi adiga cadawgaaga noqday waa
goorma? Maxaa ku qaaday oo aad waraabowga isugu riday?
War waad ceebaysan tahay adigu oo dadkii Soomaaliyeed ee sharafta
lahaa ee kasoo jeeday qabiilka Isaaq waad ceebaysay. Soomaalina
waad ceebaysay oo waa adiga midka ka masuulka ah in maanta
Qarankii Somaliya la odhan jiray uu kala jabo, waa adiga midka
u horseeday in maanta Qarankii Soomaaliyeed kala qaybsanaado
oo aad isu malaysay in adigoo qabiil kaliyah ah aad noqon
karto Dawlad calan leh, waliba aqoonsi leh.
Hadii la aqoonsanayo qabiil, waxaa la aqoonsan lahaa Oromo
oo kaa tiro badan, Ogaadeen oo isku sheegta 7 Malyan ayaa
la aqoonsan lahaa oo waliba adiga kugu soo laba laabmaysa?
Bal hadaba waxaad is waydiisa sababaha loo aqoonsan waayay
maamulkan aad la waalwalateen iyo calalkan aad calan aad usoo
jihaadeen ku sheegaysan.
Kuwaasi waa kuwo qof kasta oo Soomaali ah oo siyaasada soo
gala aragtida uu dadkiisa Soomaaliyeed iyo dalkiisa u leeyahay
khariba. Kuwaasi waa kuwo ay Soomaalinimadu dhinac dhaaftay,
oo Soomaalinimadii sharafta lahayd ka doortay qabiilka yar
ee ay u dhasheen.
Kuwaasi danta Somaliland mooyee maxaa Soomaali inteeda kale
u dan ah kuwa waligood ku fakaray ineysan ahayn ayaa la wada
rumaysan yahay.
Soomaaliga Hawiye nacaya waa kee, maadaba nici kara, waayo
waxaaba ka dhashay Aadan Cadde oo ahaa ninka kaliyah ee maanta
baalka nadiifta ah ee taariikhda ummadda Soomaaliyeed dhex
hurda.
Soomaaliga Daarood nacaya waa kee, (who is who) maadaba nici
kara, waayo waxaaba ka dhashay Halgamaagi Xoriyada iyo qaranimada
ummadda Soomaaliyeed Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, iyo abwaanadii
caanka ahaa ee kala ahaa, Raage Ugaas, Cali Dhuux, Ismaaciil
Mire, Qamaan Bulxan, Cabdilqaadir Xirsi YamYam, iyo dhawr
kale.
Qofka dhibsanaya qaar ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed waa
qof aan dunidaba la socon oo aan aragti dheer lahayn. Sababtoo
ah qofka ummaddiisa in ka mid ah naceyb u qaada waa qof ama
calooshiisa la ciyaar ah ama dadnimadiisu liidato ama aragtidiisu
ay foorarto.
Qof kasta oo Isaaq ah oo Soomaaliyeed oo dalkiisa iyo ummaddiisaba
jecelna waxaa qasab ku ah inuu jeclaado walaalkiisa ka soo
jeeda Hawiye ama Darrood ama Dgil iyo Mirirfle.
Hadaad Daarood iyo Hawiye nacayso, miyaanad ogayn iney dadkaasi
ka mid yihiin rukumada ay dad ahaan Somaliya ku taagantahay
maanta. Qofka Soomaaliga ah ee dhibsanaya walaalkiisa Soomaaliyeed,
maanay ahayn danbi wayn oo uu Ilaahay ka galay, aakhirana
la xisaabin doono.
Haddaba waqtigu wuu yaryahay oo inta dunidan la joogo ayaaba
iska yar oo waliba kooban, maanta waxaad haystaan nabad aan
Somaliya inteeda kale ka jirin. Ilaahay ha idiin siyaadiyo
nabada, dhamaan Somaliyana nabad haka dhigo, nimankaas reer
Woqooyiga oo aan ka mid ahay, kubadu idinka ayeey maanta dhinaciina
taala, ama garoonkiina taala.
Maanta waxaa inila gudboon inaad u hiilisaan
Somaliya iyo sumcadeedi, arrimaha Koonfurna wixii aad ka qaban
kartaan aad soo bandhigtaan, inkastoo aan ka jeclaan lahaa
inaad nabad u gogol xaadhaan.
Cabdullahi Yuusuf oo lagu eedeeyo inuu markasta dib u heshiisiinta
hor taagan yahay maanta waa nin da, ah oo aan ka yarayn Fidel
Castro. Soomaalidu waxay tiraah : Geeriyi hadey ku deyso,
gabow baan ku deyn. Waxaaba marka dhici karta inuusan muddo
dheerba inala sii joogin Korneylku. Waxaana haboon inuu isaguna
ummada Soomaaliyeed cafis waydiisto ummadduna iska cafiso
haduu geesinimadaas la yimaado. Qaranimadii ummadda Soomaaliyeed
ee uu Maxamed Siyaad xooray ee uu waliba markii danbe bulaacada
ku tuuray in dib loo soo cesho ayaa muhiim ah.
Dhibaatoyina
Ay Tirsanayaan Isaaqu.
Waxaa marag ma doonto ah in dadkaas la gaadhsiiyay dhibaato
balaadhan Soomaalinimadoodi iyo wanaagu Ilaahay u dhaliyay
awgood.
Sida dalka iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeedba ku habsatay
maamul xumadii, magaagnimadadii iyo maan gaabnimadii Somaliya
ka dhacday. Dadkaas sharafta leh waa dadka kaliyah ee ay dayuuradoodi
kasoo duushay geggidoodi rushaysayna tan iyo xadka intey ka
cararayeen dagaalki gobollada Woqooyi ku dhex maray SNM-ta
iyo dawlada.
Dhibaatooyinkii soo gaaray Isaaq waxay gaarsiisay iney ka
aamin baxaan Soomaalinimadii iyo iney waliba goostaan yagoo
la baxaya Somaliland.
Haddaba waxaa muhiim ah si dadkaas Soomaaliyed ee sharafta
leh ay mar labaad ugu soo noqoto Soomaalinimadii, wanaagi
iyo walaaltinimadii ay waligoodba ka shaqayn jireen.
Waxaa muhiim ah maanta iney iyagu ummadda Soomaaliyeed hogaamiyaan.
Waana sida kaliya ee lagu soo celin karo Soomaalinimadii,
wanaagi iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed.
Waa dad Soomaaliyeed oo xaq u leh iney dalkooda iyo ummaddooda
hogaamiyaan. Kuwaas wax maamuli doona waa iney yihiin kuwa
A-Z Soomaali ah oo dhiigoodu uu ku shaqeeyo qiiro iyo jacayl
Soomaalinimo. Sababto ah waxaan aragnay kuwo farabadan oo
qabiil kasta oo Soomaaliyeed u kala dhashay oo laakin aan
dhab ahaan Soomaali ahayn.
Isaaq hadii la waayo Soomaaliyana waa la waayaya oo ma ay
jirayso. Sababtoo ah Ilaahay oo isagu ah midka iska leh talada
iyo sida ay dunidu u socoto ayaaba sidaas gartay oo ugu talo
galay.
Haddaba marka inagau xaqiiqdeena iyo heerka Somaliyi maanta
ku sugan tahay loo soo noqdo waxaa aad iyo aad muhiim u ah
iney dad ka tirsan qabiilka Soomaaliyeed ee sharafta leh ee
Isaaq ina maamulaan. Waana iney meesha yimaadaan dad samaan
iyo wax garad ku badala xanuunki iyo dhibaatooyinkii lasoo
maray.
Aduunku waa dugsi weyn oo nolosha ayaana macalin ka ah. Waxaadna
maalin walba la kulmaysaa waxyaalo aad la yaabto. Hadii ay
dhacdo dad Soomaaliyeed oo walaaladaa ah iney nolasha idin
kulmiso oo aad la yaabto dhaqan xumadooda iyo mararka qaar
xumaatada ku jirta, waxaysan ka fursanayn inaad iska dul qaadato
oo aad baryo iska wad wado si aad u ogaato maalinba maalinta
xigta sida ay u fakarayaan, xumaatada ku jirta, sababta ay
ugu jirto, inta ay gaarsiisan tahay, waxyaalaha khuraafadka
ah ee ay iska dhaadhiciyeen ama aaminsan yihiin.
Si kastaba, maanta dadkani waxay mudan yihiin in lagu daydo
oo waliba Jaa,izad tan ugu qaalisan lag gudoonsiiyo maamulkooda
ay dhisteen awgood, waxaan shaki ku jirin in hadii maanta
ay Soomaali is wada raacdo ooy gacmaha is wada qabsato, aanay
jirin sabab ay ku diidan Isaaqu in ay ka mid noqdaan bulshadan
ay isku diinta iyo dhaqankaba yihiin.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com