06/09/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda PART2.

Oday Soomaaliyeed ayaa waxaa halhays u ahaan jirtay Soomaali aragtayaa, yaab aragtayaa!

Dunidan cid walba soo martay! Wali lamahayo dad dalkooda iyagu gacantooda ku burburiyay, kuwo asturta oo dhista mooye, lama hayo dad calan iyo Dawladnimadoodi iska tuura oo duli ka doorta.

Iska dhaaf Dunidan oo dhan oo dhafoorada haysta oo la yaaban dadka Soomaaliyeed waxa ay ka samaysan yihiin, ee anagaa xitaa yaaban oo waxaanu la yaabanahay dadkan sidii diirta wax walba fiiqanaya ama sidii hamaadaygii wax walba leefaya meesha ay ku jireen shalay ee ay ku qarsoonaayeen iyo dadka noocas ah ee aanu aragnay sida aanu isku dad iyo dalba u nahay.

Aduunka siyaasad iyo caqli ayaa la isku dhaafay. Ma jiraan Soomaali aan caqli lahayn. Qof aan xitaa cilmi lahayn waa fahmi karaa in nalaga caqli badiyay oo cadawga Soomaalida middidii aan isku dooxi lahayn daabkeeda gacanta loo galiyay kuwo Soomaali ah (Kooxda Imbadhati). Sida ay wax u socdaan, marka kumanyaal albaabada qaxootinimada loo furay, oo kumanaan kalena abaar dhamaynayso iyo kuwo kale oo dalka gudihiisa ku macluulsan oo Dawladii u miciini lahayd kolba cid lug goynayso iyo dalkii oo la kala qaybiyay, natiijada sida ay noqon doonta Ilaahay mooye, cid kale oo sheegi karta ma ay jirto.

Aduunku waa dugsi weyn oo nolosha ayaana macalin ka ah. Waxaadna maalin walba la kulmaysaa waxyaalo aad la yaabto. Hadii ay dhacdo dad Soomaaliyeed oo walaaladaa ah iney nolasha idin kulmiso oo aad la yaabto dhaqan xumadooda iyo mararka qaar xumaatada ku jirta, waxaysan ka fursanayn inaad iska dul qaado oo aad baryo iska wado si aad u ogaato maalinba maalinta xigta sida ay u fakarayaan, xumaatada ku jirta, sababta ay ugu jirto, inta ay gaarsiisan tahay, waxyaalaha khuraafadka ah ee ay iska dhaadhiciyeen ama aaminsan yihii.

Soomaalidu maxay horte runta uga baqdaa wax kasta oo kalaba waata ku dhiiranaata ee? May Soomaalidu runta isu sheegto? Ragan burcada iyo argagaxisada ah ee ay ku dul ingegeen dhiiga dadka Soomaaliyeed cidina ma hoos timaado. Cid ini hoos imanaysa ayaanba jirin, war hooy! Inta goori goor tahay Soomalinimada raadiya oo ka waantooba xaarantaan aad macaansateen, waayo xaraani cawaaqib xumo ayeey leedahay.

Midda kale, qof kasta oo dunidan ku kor nool waa kii maalin uun dhinta, kumanaankii Saraakiil iyo dhiigyacab ahaa ee xasuuqa shacabka Soomaaliyeed ka danbeeyay soow aduuna kama aysan tagin, aakharana kuwo cadaabta galaya soo ma aha, ileen dhiigi ay daadinayeen dhiig Amxaaro muusan ahayn ee waxay kuwaasi dilayeen oo ay xasuuqayeen walaalahooda. Dad Soomaaliyeed oo Muslim ah. Kuwan maanta wax maamulaya ee isu haysta wadaniyiinta, iyagana Taariikhda ayaa qori doonta sida ay wax u dhigaan!

Maxamed Siyaad oo la wadaa ogaa inuu aad u necbaa Amxaaro oo waliba dagaal uu la galay 1977, hadii uu maanta ogyahay inu dalkii Amxaar u taliyo, wax badan ayuu xabaasha dhexdeeda ka qosli lahaa.

Hadaba hadii aan isku dayo in aan ka xog waramo Kooxda Imbaghati oo shacabka Soomaaliyeed kula kacday wax ala wixi kharbudaad iyo kharibaad ahaa ee loo adeegsan lahaa cadawga Somaliya, oo aan xitaa cidina loo aabo yeelin, marka hore waxaan kaga bilaabaya Odayga Cabdullahi Yuusuf.

Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Halgamaagi Xoriyada iyo Qaranimada Ummada Soomaaliyed Sayid Maxamed Cabdalle Xasan hadi uu maanta xabaasha kasoo bixi lahaa, waxaan shaki ku jirin inuu odhan lahaa ( War ma khaa,inkii waynaa ee Cabdullahi Yuusuf ayaa wali idink ku dhex jira, oo aydaan iska qaban).

Maxaynu marka isuba sheegaynaa hadaan Soomaali nahay? Haduuba kaasi Madaxweyne idiin yahay marka Amxaarkuna waa Xaaji! Hitlerna marka waa Wali! Caydiidkii dhintayna waa Shariif.
Mujrimkii ugu waynaa siyaasiyiinta saxaroobay ee Soomaaliyeed haduu yahay Madaxweyne waa waxa Ilaahay u duleeyay Soomaali.

Tola´ay oo Tol beelay! Awood aan kusoo qabto ayuun baanan lahayn ee Mujrimkaas oo kale wuxuu mudnaa inuu maanta labada gacmood iyo labada lugood ee xun xun ka katiinadaysnaado oo uu xabsigii Gaalshire ku googo´o.

Tii dhashay isaga haday ogaan lahayd inuu maalin maalmaha ka mid ah buulkeeda iyo dalkeedaba dab qabadsiin doono, habeenkay dhashay bay waraabaha u tuuri lahayd, ka ciyayay meelahaas baadiyaha ahaa ee ay ku dhashay.

Cabdullahi Yuusuf wuxuu ahaa ninkii ummada Soomaaliyeed u horseeday Amxaaro iyo meel baas isagoo waxa dabada ka wada uu ahaa cuduradii caanka ahaa ee qabiilka dhigiisu ku shaqeeyo, hunguri weyni aan wax tar lahayn, iyo xaar ka buuxni.

Walee Soomaali baan hagaagin! Caydiid iyo Cali Mahdi oo la wada ogyahay xasuuqay gaysteen ayaa wadaniyiin noqonaya marka loo eego khaa,inkaas dalka Soomaaliyeed iyo Ummada Soomaaliyeed karaamadeedi iyo jiritaankeedi ku galgashay. Xitaa kuwa qabiil ahaanta u daba ordaya iney qalbiga la,yihiin waligoodba isma aysan waydiin dhibaatooyinka uu u keenay ninkaasi.

Haddaba Cabdullahi Yuusuf maanta waa nin da, ah oo aan ka yarayn Fidel Castro. Soomaalidu waxay tiraah : Geeriyi hadey ku deyso, gabow baan ku deyn. Waxaaba marka dhici karta inuusan muddo dheerba inala sii joogin Korneylku. Waxaana haboon inuu isaguna ummada Soomaaliyeed cafis waydiisto ummadduna iska cafiso haduu geesinimadaas la yimaado.

Cabdullahi Yusuf Soomaali ayaa dooratay. Markaasaa loo diiday dawladdii uu madaxweynaha
ka ahaa iney Muqdisho fariisato isagoo xitaa 'warlord' kasta ka qeyb galiyay dawladdiisii.
Waxaa lagu kalifay inuu Amxaaro dalka keeno. Taariikhda ayaa qiimeyn doonta talaabooyinkuu ku kacay.

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Cabdiqaybdiid wuxuu ka mid ahaa Mooryaanti soo shaac baxday burburkii dalka 1991, wuxuuna ka mid ahaa hogaamiyayaashi Jabhadii USC oo uu ka tirsanaan jiray, xilal badan ayuu kasoo qabtay DFKMG, imika xilka uu hayaa waa Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya, wuxuu ka mid ahaa ragii safka hore uga jiray Hogaamiye kooxeedka, xasuuqa ka gaysan jiray Muqdisho, ninkani wuxuu ka mid yahay kooxda hadafkeedu yahay Somaaliya inay weligeed ku jirto qas iyo jahwareer, si aan loogu maxkamadeyn dunuubtii ay galeen dagaal oogayasha Soomaaliya. Ninkan wuxuu aad u yaqaana sida loo dilo siyaasiyiinta ku sugan dalka, (Polotical Assasination).

17 Octobar, 2005, Cabdiqaybdiid ayaa lagu xidhay dalka Sweden isagoo la socday wafdi uu hogaaminayay guddomiyihii hore ee barlamanka Somaliya Shariif. Xasan Sh. Aadan oo dalka Sweden kala hadlayay dhibaatada Somaliya. Wararka ayaa sheegaya in Garyaqaanka dacwada soo oogay uu sheegay in ay gacanta ku hayaan cajal fiidiyoow ah oo la duubay isagoo Qaybdiid gacantiisa (ama amarkiisa) ku dilaya 4-Wiil oo Soomaali ah, dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Magaalada Jilib. Cabdiqaybdiid waxaa lasii daayay 21-Octobar, 2005.

Qaybdiid wuxuu sheegay in xadhigiisu ahaa mid siyaasi ah, oo uu ka dambeeyey madaxweynaha Somaliya, Cabdullahi Yusuf Axmed. Hase yeeshee, madaxweynaha Somaliya oo Arbacadii Jowhar ka hadlay ayaa sheegay in uusan shaqo ku lahayn xadhiga Qaybdiid, ka dib markii warbaahintu fidiysay in uu ku lug lahaa xidhigaas.

Qaybdiid wuxuu ahaa hogaamiye maleeshiyo oo xiriir la lahaa hogaamiyihii geeriyooday Maxamed Faarax Caydiid, oo markii dambe ku biiray koox ka soo horjeeday oo uu hogaaminayay Cismaan Xassan Cali Caato intii uu jiray dagaalka sokeeye.

Qaranka Soomaaliyeed inuu jabay waxaad ku garan kartaa, ma Qaybdiid oo lawada garanayo inuu yahay nin xanuusan oo xasuuq ka gaystay shacbiga reer Muqdisho oo maskaxda ka jiran ayaa hawaysan lahaa inuu Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed noqdo.

Qodxaha, xangeeyada, injirta iyo miinooyinka loo baahan yahay in laga dhex guro siyaasada Soomaaliyeed waxaan odhan lahaa in loogu horaysiiyo intii xasuuqa gaysatay ee maantana xil Dawladeed haya, si loo helo jawi fiican oo caafimaad qaba.

Maxamed Warsame Darwiish.

General Darwiish waa Taliyaha nabad sugida Dawlada Federalka ee Somaliya, wuxuu ka mid yahay rag xasuuq ba,an ka gaystay shacabka reer Muqdisho, boqolaal qof ayuu xabsiga dhigay, isagoon wax danbi ah ku haynin.

Markiisi hore ninkani dalka Holand ayuu ka yimid, London ayuu yimi oo uu usoo shaqo doontay, isla markiiba wuxuu shaqo ka bilaabay dukaan la yidhaah TESCO oo uu ka ahaa xamaal qaada alaabaha ama raseeya, maadama aanu cilmigiisu gaarsiisanayn heer Jaamacadeed, taas ayaana keentay in uu xamaal ka noqdo dukaanka TESCO ee ku yaala Leicester.

04-Disembar-2007, laba markab oo sida in ka badan 3.50 tan oo raashin gargaar ah, oo uu markab dagaal oo Faransiis ahi soo gelbiyay ilaa dekedda Marka, ayaa waxaa is hor taagay in la dejiyo Gen. Darwiish oo markii danbana sheegay in uu Maxadxweyne Yuusuf amarka bixiyay. Isla maalintii ku xigtay ayeey DFKMG fasaxday gargaarkii loo waday dadka soo barakacay.

Soomaalidu waxay ahayd inuu mid walba midka xun ee la qabiilka ah dhabarka u jeediyo, midka walalkiis ah ee Ilaahay qabiilka kale ee fiican kasoo jeediyayna walaal ka dhigto.

Dawladnimada Soomaaliyeed waa in laga fogeeyaa yaa ila qolo ah, waa in laga dhigaa yaa ka bixi kara? Yaa aqoonteeda leh? Yaa wax wadi kara? Astaamaha lagu garto in Qarankii Somaliya la odhan jiray u burburay oo noqday kolba meel Bazinka laga qaato, ma Darwiish oo xamaal ahaan jiray baa hawaysan lahaa inuu xilkan oo kale qabta.

Darwiish iyo Qaybdiid waa laba nin oon waxba is dhaamin oo bakhti iyo mayd kala ah, waa laba nin oo aan ka waantoobeen daadinta dhiiga ummada soomaaliyeed. Askhaasta noocas ah ee ummada Soomaaliyeed ableyda (toorida) kala dhacayay dhabarka inay maanta isku sheegaan rag wadaniyiin ah sow arrin aad iyo aad loogu qoslo maaha.

Yaraantaydi waxaan maqli jiray, qarankii Soomaaliyeed god buu kasoo qaylinaya, waxaan shaki ku jirin in Gen. Darwiish maanta uu dalka oo dhan siisan lahaan baako sigaar ah!

Sheekh Aadan Madoobe.

15, Sebtember, 2004, waxay ahayd maalintii uu Shariif Xasan Sh. Aadan loo doortay Afhayeenka Barlamanka, waxaa la tartamayay Sheekh Aadan Madoobe, waxana looga codod badiyay 56 cod.

January 31, 2007 waxay ahayd maalintii uu xukunka Gudoomiyinimada la wareegay Sh. Aadan Madoobe oo ka codod batay ninkii kale ee la tartamayay ee ahaa Kiish Buur.

Aadan Madoobe wuxuu ka mid ahaa ragii soo jeediyaya in Dawladu saldhiga ka dhigato magaalada Muqdisho, wuxuu ahaa nin isu xiijin jiray in uu Cabdillahi Yuusuf ka ag dhawaado, wuxuu ahaan jiray Wasiirka cadaalada ee Dawlada Federalka, wuxuu soo kaca kufoba, aakhir riyadiisi waa u meel martay oo wuxuu hantay in uu noqdo gudoomiyaha Barlamanka Somaliya, laakin Cabdullahi Yuusuf iyo Itoobiya ayaa markii hore meesha keensaday, ninkani si toos ah ayuu Meles Zenewi ugu shaqeeya.

Wuxu ka mid yahay raga aan tacliinta heer dugsi sare ah aan kasoo bixin, ee haddana xil muhiim ah ka haya Dawlada Federalka, wuxu waa Dawlad lagu maamulo hadba fikirka Meles Zenewi uu kula taliyo Cabdullahi Yuusuf. Aduunka Dawlad kasta oo ku tirsan marka ay qof xil u dhiibayso waxaa la eega Profile-ka qofkaas, hadii uu wanaagsanaado, xilka ayaa farta laga saara oo lagu wareejiya, laakin ma Dawladan Federalka ah ee dhimatay ayaa xeerkaas kuu taqaana? Adigagaas akhrisanaya qoraalkaygan hadaad bari tagto dalkii ood xoogay lacag ah isku hubsato, waxaan shaki ku jirin in aad usbuuc gudahii maleeshiyo kuu dagaalanta oo waliba kuu daacad noqota helaysid, hadaad rabtid aad Dawlada dhinac ka gali kartid, wuxu Dawlad ma aha! Wuxu waa dad xaarka qastay. Maxamed Siyaad subaxii la riday waxay ahayd in maamul fiican la helo, may ahayn in xaarka la qastoo, oo meeshii laga soo buuxiyo qaar aad moodaysay inay meel ku xidhnaan jireen iyo darawallo sida ninkan Aadan Madoobe.

Cabdillahi Cosoble & Cumar Dalxa & Gacmadheere.

Cali Cabdilahi Cosoble wuxuu ka mid yahay Xildhibaanada Barlamanka Somaliya, wuxu ka mid yahay raga ay kabahu kaga dhamaadeen sidii ay u ridi lahaayeen Xukuumada Nuur Cadde. Cosoble wuxuu ka tirsanyahay Xildhibaanada raacsan Madaxweynaha, ninkani waa nin la marin habaabiyay sidii wasiiradii is casilayba loo marin habaabiyay, wuxuu ku socda jid aan ahayn kii la mari jiray, wali isma oga, wuxu isu haystaa inuu isla saxsanyahay. Wax la yidhaah Dawladnimo oo uma muuqdaa ma ay jirto ee waxa u muuqdaa waa lacag iyo xaaran loo balan qaaday, maxaad u malaynaysaa hadii lagu yidhaah lacag qayru xad ah ayaa lagu siinaya ee Nuur Cadde kursiga ka tuur, qofkii Damiir leh wuu diidi lahaa, laakin ninkani waa mid ay ka guurtay xasuustu, oo ismaba oga inay Soomaali qas kusoo jirtay in badan, alow xaqa tus isaga iyo kuwa kale ee lunsan ee maanta sii cagacagynaya jidkii u gudbin lahaa halaaga iyo meesha daran.

Pr. Maxamed Cumar Dalxa wuxuu dhashay 1954kii waana 54jir, wuxuu ku dhashay Wanla Wayn ee Shabeelada Hoose, waa nin nasiib xun, oo wuu kadeedanyahay maanta, aduunka ayuu la qabsan kari la,yahay, kolba safar aan macno lahayn ayuu kharashkii Dawlada ku dhameeyay isaga iyo ninka la yidhaah Sh. Aadan Madoobe.

Cumar Dalxa oo la ogyahay in aanu wax xukun siyaasadeed waxba ka aqoon, hawl wax tar leh oo uu qabtay ama uu soo hooyay ma ay jirto, dhib mooye, waxa kaliyah oo uu ka adagyahayba ayaa waxay tahay in uu marna kasoo horjeesto Nuur Cadde, mar uu kasoo horjeedo Sh. Aadan Madoobe iyo mar uu aflagaadeeyo qabiil Soomaaliyeed, waa mid aan waxbaba isku falayn oon is ogayn waxyaabaha uu ku dhex jiro in ay sax yihiin iyo in ay khalad yihiin.

Qaranka Soomaaliyeed wuxuu noqday sidii duurka oo xayawaanku midba midka ka yar ku tumanayo.

Maxamed Maxamuud Guuled (Gacmadheere) wuxuu dhashay 1954kii waana 54jir, wuxuu ku dhashay Degmada Hobyo. Wuxuu ka mid yahay ragii Madaxweyne-nimada isu soo sharaxay sanadkii 2000, balse lama dooraan, ninkan ayaa isna ahaan jiray Wasiirka Arimaha Gudaha, waxaana lagu badalay nin kale oo la yidhaah Muuse Nuur Aamiin. Gacmadheere imika waa xubin muhiima ah oo ka tirsan barlamanka DFKMG,wuxuna familigiisu degen yahay carriga Ingiriiska gaar ahaan magaalada London,wuxuuna ahaa oday caydha qaata oo aan weligiis u dhaqaaqin shaqo,ka hor intaanu noqon Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFKMG.

Waxaa la sheega in uu hay,ada QM u qaabilsan xaga cuntada ee marka magaceed lasoo gaabiyo loo yaqaan WFB (World Food Program) in ay raashin iyo daawooyin ugu deeqday dadka Muqdisho degen. Isagu wuxuu ka masuul yahay barakaca 1200 oo qof, oo loo waday raashiin, barakaca dadkaasna uu isagu ka masuulka yahay, balse uu isagu ku tilmaamay in ay dhacen raashinka iyo daawooyinka lasoo diray.

Yaa cilmi u leh oo caddeeyey in raashinku iyo daawooyinku dhaceen? Raashinka dhacay cilmiga lagu baaro waxaa loo yaqaan (Toxicology). Jaamiciga Somaaliyeed ee cilmiga (Toxicology) soo bartay waa kuma? Su’aashaan jawaabteeda waxaa laga rabaa Maxamed Gacmadheere.

Soomaalinimo?

Aaway? War aaway Geedki la hadhsan jiray ee Soomaalinimada ku taagnaa? Aaway Dawladnimadii Ummada Soomaaliyeed? Maanta sawta 18ka sano la marayo ma aha? Aaway dalkii la oran jiray Soomaaliya ee aduun waynuhu oo dhan la macaamiloon jiray ee iska lahaa dayuuradaha, hay,adaha, iyo safaaradaha dibedda ka matala.

Soomaalinimo ma aha waxaan ku dhex dhashay Somaliya, mitaal Gaalkacyo, Hargaysa, Muqdisho, Soomaalinimadu intaas way ka wayntahay.

Kuwan maanta, shalay iyo doraad ba dalka rifayay ee baabi,nayay yaa yiri Sucuudi bay ka yimaadeen? Kuwan maanta iyo shalayba wax rafaadinayay ee dhiiga qaaliga ah ee dadkeena daadinayay ee dalka ku galgashay miyeysan ahayn kuwo Soomaali u dhashay oo waliba intooda badan ku dhashay Somaliya dhexdeeda? Ma shisheeye iyo Isticmaar ayeey ahaayeen kuwa meesha xun ee aynu maanta xooranahay ina dhigay?

Soowta aynu aragnay ma aha kuwo dhiigi dadka daadinaya oo geed walba iyo guri walba ee dalku lahaa gubaya oo hadana leh aan Madaxweyne idiin noqono? Kuwaasi soow ma ay laha Soomaali baan nahay hadey qiimo leedahay Soomaali baan u dhashay iyo Somaliya ayaan ku dhex dhashay?

Hadaba Soomaalinimo maxay tahay? Yaa Soomaal Ah? Yaa Wadanii Ah? Marka hore Soomaalinimo wax la cuno maaha, ee waa wax loo dhaso! Soomaalinimo waa qofkii dalkiisa iyo dadkiisaba u dhimanay, waa qofka maanta ka xun halka ay Somaliya xoorantahay, waa qofka habeen iyo maalin difaaca ugu jira wadankiisa, waa qofka u halgama dalkiisa, waa qofka magaceeda iyo sumcadeeda kor u qaada, waa qofki haduu Alle ku roonyahay dadnimadiisa iyo Soomaalinimadiisa aaminsan, waa qofkii Ilaahay ku ogyahay inuu Soomaali yahay oo u hiilinaya magaca Somali meelkastu joogo.

Kismaayo Yaa Iska Leh?

Arrin aad iyo aad loola yaabo amaba lagu qoslo ayey ahayd in Barre Hiiraale iyo Maleeshiyaadkiisi laga cayrsaday Kismaayo oo ay xaaran ku haysteen markii horeba. Waxaa yaabka yaabkiis ah in Al-Shabaab iyo Maxkamadihii aanay cadayn midka maamuli doona dhaqaalaha iyo Dekeda Kismaayo, iyadoo laga cabsi qabo in uu dagaal ka dhex qarxo kooxaha qabsaday magaalada Kismaayo. Xalku sida uu noqon Ilaah baa og. Haddaba su,aasha meesha ku jirta waxay tahay, Kismayo Yaa Iska Leh?

Sideedaba magaalo waxaa iska leh hadba qofka degen. Kismaayo waxaa iska leh dadkii hore u daganaa oo waligood ku lahaan jiray Bakhaarada, Makhaayadaha, Dukaamada, Beeraha, iyo Ganacsiyada kala duwan ee ka jira magaaladas. Hadii aad maanta Xamar ka timid oo aad Kismaayo usoo guurto, hadii aad lacag kugu filan haysato, waa lagu soo dhawaynaya, waxa kaliyah ee lagaa rabo oo aad wax walba ku yeelan karto waa lacag. Dunidu waa hore ayeey horu martay oo ka ilbaxday anigaa halkaas leh iyo aniga halkan leh. Dunidu dad iyo maal ayeey raadinaysa.

Kismaayo oo ah magaalada kaliyah ee ka badbaaday dagaalada Xabashidu ku burburiyeen Koonfurta Somaliya, ayaa waxaa arrin lagu qoslo ah in ay dad Soomaaliyeed isku dhex xasuuqaan oo ay isku qabsadaan magaalada dhexdeeda, iyagoo waxa wadaa uu yahay hunguri iyo maamul aan jirin.

Meesha la dhaho Buuhoodle waxa ay waligeed u magaaloobi weyday waxa halkaas degen oo kaliya qabiilka agaas degen, yaa maqlay maahmaahda ah: Buuhoodle waxay magaalo la noqon wayday afarta is yaqaana (Isku qabiilka ah).

Kismaayo qabiilada dega waa tiro badan yihiin waxaana ka mid ah: Majeerteen, Ogaadeen, Mareexaan, Sheekhaal, Absame, Nuux Maxamuud, Gaaljecel, Biyomaal, Jareer, iyo dad Soomaaliyeed oo kale. Dhamaantood waa u siman yihiin maamulka Kismaayo, dadkaas aan soo sheegay ayaana iska leh magaalada Kismaayo.

Biyo dhaca qoraalka.

Marka uu qof boog leh dhakhtar u tago si looga daaweeyo boogtaas, dhakhtarku boogta ma sasabo mana salaaxo. Waxaad arki isagoo maqas dhexda ka galiyay oo marka horeba wuu kaga dhiijiyaa si wax ala wixii dheecaan iyo dhiig ahaa uu uga soo tuujiyo ugana soo saaro boogta.

Intaas kuma jooge, waxaad hadana arki dhakhtarkii oo Isbiirto ama Alchol iyo dawo wax gubta intuu qaato bartanka u dhiga boogta. Marka uu dhakhtarku sidaas sameeyo waxa aad u gubta oo olola qofkii boogtu ku tiil oo haduusan calool adayg lahayn wuu cabaadi oo wuu ooyi haduu doono. Sidii iyadoo aysan xanuun intaas ugu filnayn ayuu dhakhtarku hadana intuu maqas qaato ayuu boogta cadadkeeda (hilibkeeda) jilcay jarjaraa. Taaso waliba ka sii xanuun badan daawadi kululeyd ee uu ku shubay.

Dhakhtarka boogta loo gaystay ma ogsoona in Isbiiritada, daawada uu boogta ku shubo iyo maqaska uu hadba dhinac u qaadsiinayo aysan xanuun badneyn. Qofka boog dhakhtar u gaysanaya isagoo sidaas ogsoon ayuu boogtiisa dhakhtar u gaystaa. Hadaba dhakhtarkuna farsamadiisaas kulul isagoo og inay xanuun badan tahay ayuu sidaas mar walba sameeya. Qofkii boogi ku tiilna isagoo ogsoon in la xanuujinayo oo wax walba oo boogtiisa guba lagu sameenayo ayaysan ka fursan in mar walba la arko qof boog leh oo dhakhtar u gaysanaya.

Labadaas ficil ee qofna boog u gaysanayo dkakhtar, dhakhtarkuna uu gubayo kagana xanuujinayo qofkaas, xigmada hadaba ka danbaysa ayaa waxay tahay oo kaliyah iney boogtu bogsato ee ujeedo kale oo meesha taal ma ay jirto.

Waxay marka ila noqotay ineysan ka fursanayn in boogaha Soomaali ku dhex jira miiska la soo wada goglo oo sidii dhakhtarkii gacmaha lala wada galo oo dhiig iyo dheecaanba wixii ku jiray laga soo daadiyo si marka la gubo waxyaalihii boogahaasi xanuunka iyo dakaamka u keenayay ay marka u dhacdo in booguhu bogsadaan oo umadeena walaalaha ah ee laga dhex shaqaystay ay gacmaha isu wada qabsato oo dawladnimadoodi iyo sharaftoodi ay mar kale soo ceshtaan.

Waxaa muhiim ah in dunuubtii dhacday aan cidina cid wax u qabsan ee Soomaali is wada cafiso oo waa dad walaala ah ee ay gacmaha is qabsato. Waxii dhacay ma in la qoro, mise in la isa sii daba galo: Anigu waxaan qabaa dhiig danbe oo Soomaliyeed inaan mar danbe la daadin. Xitaa ninka la dhaho Cabdullahi Yuusuf anigu waxaan qabaa inaan far la saarin ee la tuso inuu wanaagu yahay midka fiican ee cuqdada iyo xumaanto tahay mida aafada inoo horseeday.

Kooxda Imbaghati waxaa la gudboon in ay maanta usoo jeestaan Dawladnimada ummada Soomaaliyeed, hadii aan sidaas la samayn iska dhaaf dal hagaaga, Dawladnimo iyo nidaam ee xitaa roobna di,i maayo, oo muxuu soo doona! Ummadaha uu roobku ku da,o waa ummadaha cadaalada wax la dhaho ku dhaqma. Hadii cadaalad la waayo oo la heli waayo wuxuu Ilaahay qowmkaas u dhiiba Cabdullahi Yuusuf iyo jaahiliin la mid ah, oo shicibka usoo hogaamiya cadawgooda koowad, iyo xasuuq aan loo aabo yeelin.

Ummada Soomaaliyeed waxay saarantahay bas uu darawal ka yahay nin uu Ilaahay xaalkiisa ogyahay, waa nin uu gumaystuhu soo tababaray oo ummada kusoo dhex daayay, ninkaas oo ah Cabdullahi Yuusuf Axmed, oo waxa kaliyah oo uu yaqaano ama cilmi u leeyahay ay tahay askarinimo, dib u jeeso, hob jac, laba kaclayn, dhabar jabin, daba gal, qalajin, qaniinyo, kala ilaalin, isku dir, amar qaado, isku dhufo, iyo in ala inta ibtilo ah ee Ilaahay dunida dhigay.

Cidina ma saadaalin karayso sida ay noqonayso iyo wadad loo maraya Mustaqbalka Soomaliya , waxaanse shaki ku jirin in uusan ka dhalanaynin dalka maamul Hantiwadaag ah oo laga xukumo meel kaliyah sida maamulkii Maxamed Siyaad Barre ( Af-weyne).

Ilaahayaw dabka naga dhex oogan anaga iyo Itoobiya, adaa naga damin karaaye, Alow, Alow nabad nagu daryeel! Alow dabka ka dhex oogan shicibka iyo Dawlada Soomaaliyeed, adaa naga damin karaaye, Alow, Alow nabad nagu daryeel!

Anigu Abdikarim ahaan waxaan leeyahay Eebe talada ha waafajiyo kuwa dadaal iyo dulqaad badan oo daacad u ah danta guud ee dalka iyo dadka Soomaliyeed markasta ula hor taagan.

Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®