Guud Mar Dagaaladi
Sokeeye ee Somaliya.
Waa marka ugu horaysee waa inaan xusaa inaanan
ahayn qof taariikhyahan ah (Historian). Waxaa taas macnaheedu
yahay in waxyaabaha hoos ku qorani ayna ahayn fikradayda iyo
fahmideyda shakhsiyeed, balse uu qoraalkani yahay ururin guud
oo aan ku sameeyay bugaagtaas qalaad ee faraha badan ee aan
nasiibka u yeeshay inaan akhriyo.
Maadaama ay hadaba siyaasadii Soomalidu ay 150 sano ee u danbeesay
ay ku salaysnayd kuna dhisneyd qabiil ama qabyaalad, ayaa waxaa
lama huraan noqonaysa in lamagacaabo qabiiladii ama shakhsiyaadkii
kaalinta laxaad ka ciyaaray burburka Soomaaliya.
Inkasta oo aanan wax aflagaado ah ku samayn qabiiladaas, hadana
waxaa mararka qaarkood ka fursan waayey inaan faaqido siyaasadoodaas
gurracan anigoon u aabo yeelayn magaca qabiilkooda ama darajada
shakhsigaas.
Yaa Riday Dawladii
Maxamed Siyaad Barre?
Madaxwayne Maxamed Siyaad wuxuu ahaa nin marka laga bilaabo
maaliintii uu xukunka dalka hantiyay 21kii Oktober , 1969 tan
iyo maanlintii laga tuuray xukunka Janaayo 27,1991. Hadba xeelado
kala duwan ku ayaama gaara, wuxuu ahaa nin aan aqoon wadan lahayn
oo wax walba ku dayay : Somalinimo, Carabnimo, Afrrikaanimo,
Ciidanimo, Xisbi ahaan, Hantiwadaag ,Laba kaclayn, Laba gadoon
,U tuuta gashasho ,Hanti goosad, Ul yar u qadaasho ,Kala qalajin,
Hanjabaad ,Dhabarjabin,Qabiildiid, Oday odayeen qabiil ku shaqaysasho
iyo in ala inta tab ah oo uu is lahaa ayaamo ayaad ku sii daaqi
doontaa marka laga bilaabo sanadahii uu horeeyay tan iyo bartamahii
sideetaanadkii wuxuu ilaa iyo xad soo dhawaystay qabiilka uu
ka dhashay ee (Mareexaan) iyo labada qabiil ee Ogaadeen iyo
Dhulbahante. Markii uu xooray Axmed Sulaymaan wuxuu waayay qayb
wayn oo ka mid ahayd Dhulbahantaha.
Laakiin Dhulbahantuhu waxay ku fiicnaayeen oo ay ku amaana
yihiin marnaba hub inta ay gurteen jabhad ma aysan samaysan
amxaaro iyo meel baasna may aysan aadin. Markii ay isku kaceen
isaga iyo Aadan Gabayaw dabayaaqadi 1988 oo ka dibna uu xabsiga
dhigay wuxuu maalmahaasba waayay kalsoonidii ogaadeenka oo waa
tii ay baxeen oo ay samaysteen jabhadoodi ay ugu magac dareen
SPM.
Sanadkii 1989kii waxay ninkaas talada xumaa isku soo hareen
oo ummada Soomaaliyeed isugu danbeeyeen qaar ka mid ah qabiilka
uu ka dhashay Mareexaan oo kuwo farabadan oo ay ka mid ahaayeen
reer dalalka hore isu waayeen.
Intaas kuma uusan joogine ee bilawgii sanadkii 1990kii wuxuu
maamulkii gaashaandhiga iyo gaar ahaan umuurihii Xerada 77 ka
wareejiyay Maslax isago oo u dhiibtay Morgan. Arrintaas waxay
aad uga xanaajisay xoogi ugu danbeeyay ee ninkaas waayahaas
danbe talada ku hayay iyo qabiilkuu isagu ka dhashay.
Dawladii Maxamed Siyaad waxay ahayd Dawlad ay iska hor yimaadeen
dadwaynihii iyada hoos imaanayay, waxaana dhacday inuu maalinba
qabiil ka mid ahi qabiilada Soomaaliyeed dibada u baxo oo hubka
gurto .
Qabiilkii ugu horeeyay ee ay dadkiisu iska hor yimaadaan wuxuu
ahaa qabiilka Majeerteen oo 1979 samaysatay jabahad magaceeda
la yidhaah SSF, hase yeesha sanad kadib isu badashay SSDF.
Waxaa ku xigay qabiilka Isixaaq ( ISAAQ ) ee goboladda woqooyi
daga , waxayna sanadkii 1981kii samaysteen jabahad la magac
baxay SNM.
Waxaa iyana ku xigay qabiilka Ogaadeen oo 1988kii samaystay
jabhada SPM.
Waxaa ugu danbayntii hal sano iyo bar intaysan Dawladaasi dhicin
jabhad samaystay qabiilka Hawiye oo isna jabhadiisa ula baxay
USC uu hogaaminayo caydiid.
Ugu danbayntii sanadkii 1990 iyadoo dhibaatadii dalka ka jirtay
sii badatay oo xitaa caasimadii dhamayd ay noqoqay nal,aan,
biyo la,aan ,nabad galiyo la,aan Bangiyadii ay baaba,een sicir
barakii boqolkiiba dhawr boqol isku taagay oo waxba walba isku
dhalaaleen oo xitaa urur siyaasi ah oo "Manifeisto"
la yiraahdo odayaal Soomaaliyaad oo qabiil walba leh magaalada
bartankeeda ku sameeyeen , waatii dadku bandaw sameeyeen talo-xumadii
iyo farsamo-xumadii Dawlada awgeed , waatii dadku hubka gurtay
oo madaxtooyadii la weeraray.
Hadaba su aasha is waydiinta mudani waxay tahay , sidee baa
looga adkaaday Maxamed Siyaadkii dhamaa ee haystay Dawlada dhan
wax walba haystay ,ciidamo bad,daayuurado, taangiyo, madaafiic
iyo wax walba.? Ø
Jawaabtu waa dhawr arimood.... Mar haddey meel ka dhacdo xaq
daro cid ala cidii xaq daradaas la dagaalantaaba waxay noqdaan
dad xaq ku diriraya, xitaa inkasta oo aynu aragnay inay jabhadii
Soomaaliyeed ahaayeen kuwo laftigoodu aan xaq ku socon waliba
kasii liita Maxamed Siyaadkey doonayeen inay badalaan kuwaasi
marka ugu horaysaba kuwo cadawgii ummada u tagay oo xaq daro
adeegsanaya ayeey ahaayeen, waxay ahaayeen xaq daro xaq daro
ku badal, qabyaalad qabiil ku badal.
Hadana cid ala cidii ka hortagta xaq daro waa la hubaa inay
ka guulaysanayso oo ay liibanayaso, xaq daro sida la wada ogsoonyahay
lugo ad-adag oo ay ku taagan tahay ma leh oo ugu danbaynta ma
noqoto mid sii taagnaata, Ninka shalay Somaliya madaxwaynaha
u ahaa wuxuu ahaa nin talada xumadiisa iska dhaafe cid kale
ee mushaharo u waayay kuwii isaga ilaalinayay,ciidamadii koofiyad
guduudka lagu magaacabi jiray.
Nin farsamo xun mar haduu talada hayo mudo kasta oo uu meel
joogo wixiisu waxay noqdaan wax dabada ku furan oo aan meel
gaareen. Waxaa ninkaa madaxweynaha ahi ku hareersanaa niman
uu wasiiro iyo madax sare ka dhigtay oo ay talo xumadiisu keentay
inuu reerahooda ku bixiyo sidii Amxaaradii ciidamo iyo saraakiil
aan cilmi garaadba lahayn sidii Dhaga-bacayr oo kale oo isagu
ahaan jiray ninkii Maxamed Siyaad dharka u dhaqi jiray.
Bilawgii Mucaaradka.
Feb. 1980kii ayaa niman mucaarad ah oo Addis Abab isugu tegay
ayaa waxa ay aasaaseen jabhad mucaarad ah oo la odhan jiray
Jabhada Badbaadinta Soomaliya SSF (Somali Salvation Front).
Marka laga bilaabo maalintii SSF la aasaasay, nidaamkii Dawladu
wuxuu isu badalay qabiil. Inkast oo SSF qabiil fara badani ku
jireen, haddana raga doorka ugu wayn ka ciyaarayay waxay ahaayeen
Majeerteen. Sidaas darteed, Maxamed Siyaad Barre iyo siyaasiyiinti
ku hareeraysnaa waxa ay is tuseen in cadwga ugu wayn ee xukunkiisa
carqalada ku ahi uu yahay Majeerteen. Waxaa kale oo ay aad u
aaminsanaayeen in reerka Majeerteen ku duulaan yahay kursiga
M.S. Barre.
Inkasta oo M.S. Barre waqtigaas Majeerteen cadawga ugu weyn
u arkaayay, waxa bilawgii sideetamaadkii dhinaca woqooyiga Somaliland
kaga soo furmay mawjad cusub oo mucaarad ah. Kaddib markii Isaaqi
Woqooyiga deggena cadaadiskii iyo cabudhintii siyaasadeed kusii
badatay iyo Ogaadeenkii qaxootiga aha ee agagaarka Hargeisa
la dajiyay khilaafkoodi sii kordhay. Qaxootigaas oo dagaalkii
1977kii ee Soomalida iyo Xabashida dhex maray kasoo qaxay, mudadii
ay dhulka Isaaqa soo degeen waxaa la sheegay in gacmo furan
lagu soo dhaweeyay, hase ahaate, ka dib markii Dawladu qaxootigii
arrimo siyaasadeed oo Isaaqi meesha degenaa sheegay in basaasid
iyo dhulbalaadhsi iyo darajooyin xaq darro ah la siiyay Ogaadeenka
meesha qaxootiga ku ahaa, ayaa hadana Isaaqi meesha degenaa
waxay dareemeen in dhulkoodi laga dhaxal wareejiyay.
Waxa kale oo ay Isaaqi is tuseen inaan qaxootigaas meelna u
socon ee M.S. Barre doonayo inuu dhulkooda uga qaado.
Khilaafkaas xaga qaxootiga ah iyo waliba arrimo kale oo Isaaqu
Dawlada u tirsanayeen waxa ay keneen in kulan lagu qabtay magaalada
Jidda ee dalka Sucuudi Arebiya 1981kii laguna dhawaaqo jabhad
cusub oo mucaarad ku ah Dawlada Maxamed Siyaad Barre. Jabhadaas
oo lagu magaacabay Jabhada Dhaqdhaqaaqa Soomaliyeed amaba Somali
National Movement (SNM).
Abuuritaanka SNM wuxuu keenay in Isaaq badani gaar ahaan dhalinyaradii
ay jabhadaas ku biireen. Maamulkii SNM hogaaminayay iyaga oo
ka faa,idaysanaya xidhiidhkii xumaa ee M.S. Barre iyo Minguste
Xayle Mariam ka dhexeeya, iyo kala jabkii ururkii SSDF oo markaas
xaaladiisu sii liicaysa, Itoobiyana ay doonaysay jabhad lagu
badalo SSDF, waxaa SNM ay saldhig ururka u doorreen dalka Itoobiya.
In kasta oo waqtigaas M.S.Barre awoodiisi xukunka waddanka
farahiisa ka baxday gaar ahaan gobolada woqooyiga iyo gobolada
dhexe, dadkuna ay baryihii danbe ku naanaysi jireen " Duqa
Magaalada Muqdisho " amaba " The Mayor of Mogdisho
", hadana way ku adkaatay M.S.Barre inuu xukunka si sahlan
ku dhiibo. Waxaana maalin walba sii yaraanayay tiradii dadkii
iyo qabiiladii tageerayay xukuumada. Tusaale waxaan usoo qaadan
karaa Korneyl Axmed Cumar Jees oo kasoo jeeday beesha Ogaadeenka
madaxwaynahana ay aad isugu fiicnaan jireen uu mucaaradkii Dawlada
kasoo horjeeday ku biiray 1990kii, ka dibna uu qabtay hogaanka
dhinaca Mileteriga ee jabhadii Absame ee la odhan jiray SPM
(Somali Patriotic Movement).
Aasaaskii SPM waxaa ka horeeyay jabhadii Digil iyo Mirifle
SDM (Somali Democratic Movement) oo la aasaasay 1989kii.
Arrintu si kastaba ha ahaate waxaa cadaatay in ay aad u adkaatay
sdii Dawladii M.S.Barre u badbaadi lahayd.
Waxaana bilaabmatay in habeen walba dad lagu dili jiray magaalada
Muqdisho, dawladuna ku eedayn jirtay waxa ay ugu yeedhay qaran
dumis, hadana waxaa cadayd in askarta Dawladu dadka dhinacooda
ka xasuuqi jireen, iyaga oo gaar ahaan ugaadhsan jiray Hawiyaha
iyo Isaaqa. Nabad galyo la,aanta Muqdishona waxay dhalisay in
Hawiyihii magaalada degenaa ishubeeyaan. Dagaalkii sokeeyena
wuxuu si rasmi ah Muqdisho ugu bilawday 27kii Dicember 1989kii.
Si haddaba looga hortago dhiig intaas ka badan oo daata, ayaa
xubnihii Sulux (Manafeesto) waxay dawlada ka codsadeen in ay
kulmaan si arrinta halista ah ee wadanka ku soo socota looga
hortago.
Bishii January 23keedi ayaa waxaa kulmay xubnihii Sulux oo
ka koobna 114 iyo kuwii Dawlada ka socday oo iyana ka koobna
25 nin. Ragii Dawlada ka socday ee M.S. Barre ku hadlaayay waxaa
xubnihii Sulux u shegeen in dariiqa kaliyah ee dhiiga daata
iyo waddanka oo kala burbura looga hortegi karaa uu yahay in
M.S. Barre xukunka iskaga dego si ku meel gaadh ahna maamulka
loogu dhiibo Cumar Carte Qaalib oo hore u ahaan jiray Wasiirka
Arrimaha Dibedda, muddo badana u xidhnaa xukuumadii M.S. Barre.
Aakhirkiina shirkaas waa la isku mari waayay, kadib markii nimankii
M.S. Barre ka socday ay soo jeediyeen " Madaxweyne xukunka
ka deg wax lagu hadloo maahe, fikrad kale ma haysaan" Shirkaas
natiijadii kasoo baxday, waxa ay markhaati u noqotay inaan dagaal
iyo burbur wadanka ku habsada laga badbaadi karin. Magaaladii
Muqdishona waxay noqotay goob dagaal.
Dagaalkii ugu cuslaa oo muuda Bil ku dhaw Muqdisho ka socday,
wuxuu suurto galiyay in M.S. Barre iyo ciidamadiisi ilaalinayay
Muqdisho laga saaro Jan.27keedi 1991. M.S. Barre oo habeen madaw
Muqdisho ka baxay, ciidamadiisi, xubnihiisii dawlada iyo dadkii
taagersana midna uma sheegin inuu baxsanayo, markii la ogaaday
inuu baxsadayna ciidamadiisi intii hadhay iyo qofkasta oo ka
baqay in reer ahaan loo dilaba cagaha ayuu wax ka deyay.
Waxaa si gaar ah cabsidii ugu waynayd u gashay reerka Daaroodka
siduu u dhan yahay, waayo inkasta oo qaarkood xukunka M.S. Barre
kasoo horjeedeen, odayaala gaadhay 25 nina ay xubnihii 114 qof
ka mid ahaayeen, hadana waxaa hubaal ahayd in raga miyiga laga
keenay ee Hawiye aanay dilka Daaroodka kala jaclayn.
Ragga miyiga laga keenay ka sokaw, waxaa iyaguna aad u kacsanaa
beelaha Hawiye oo diidanaa dulmigii xukuumada M.S. Barre oo
ay u arkayeen in uu yahay maamul Daaroodka u danaynaaya. Sidaas
darteed, dad badan oo reerka Daarood ka dhashay ayaa markii
danbe ku dooday arrintu waxay ahayd "Baroortu orgiga ka
weyn" oo M.S. Barre kaliyah looma socone, Hawiye waxa ay
doonayeen in ay Daarood gumaadan.
Gabagabo
Markii ay cadaatay in M.S. Barre ugu danbayntii Xamar ka baxsaday,
gudigii xubnaha Sulux iyo USC ee Xamar joogay waxay markiiba
madaxweyne ku meel gaadh ah u magacaabeen Cali Mahdi Maxamed
oo reerka Abgaal ka dhashay. Cali Mahdi oo ahaa nin baayacmushtar
ah, horrena aan u ahayn ragii siyaasiyiinta Hawiye ee hore loo
yiqiinay, waxaa la filaayay in hadii uu wax kale qaban kari
waayo inuu kacdoonka USC joojiyo, laakiin waxay ahayd arrin
aad u adag, waxaana markiiba soo ifbaxay magacii cusbaa ee "Mooryaan",
magaaladii Xamarna waxay noqotay meel ay Mooryaani u taliso
.
Waxaana si rasmi ah u bilawday dil,bililiqo iyo boob. Dhibaatada
kale ee Cali Mahdi iyo maamulkiisi ka hor timid waxa ay ahayd
in dhamaan mucaaradyadii Dawlada ka soo horjeeday oo ay ka mid
ahaayeen, USC (faracii Caydiid), SNM, SPM iyo waliba xubno ka
tirsan SDM ay ku dhawaaqeen inaanay aqoonsanayn Dawlada cusub
ee Xamar laga dhisay .
Arrintaasina waxay muftaax u noqotay burburkii iyo kala qaybsanaantii
waddankii loo yaqaanay "Jamhuuriyada Soomaaliya".
Waxaa kale oo halkaas kusoo af-jarmay rajadii laga qabay "Shanta
Soomaliyeed" oo midooba.
Maxaa Loo Aqoonsan waayay Somaliland?
Dhinaca Somaliland hadalada Daahir Rayaale Kaahin waxaa ka
muuqda in ay adkaatay in la aqoonsado Dawladiisa lagana yabo
in uu si kale xal u raadiyo. Sidaa darteed waxaa laga yaaba
in ay ka xumaadaan dadkii rabay in ay Dawlad gaar ah noqoto,
dhinaca kalana ay ku farxaan kuwii kale ee ka soo horjeeday.
Labada qoloba waxaa muuqata in aysan fahmin sababaha loo diiday
Dawladnimada ( Somaliland ). Hase yeeshee hadii ayn is waydiino
sababah loo aqoonsan waayay waxay noqon karaan;-
1.Ma dhulka ay ku fadhido ayaa yar? Tani sabab ma ahan, waayo
dhul ahaan waxa ay ku dhawdahay dalka Ingiriiska sababtani laguma
diidi karo.
2.Ma dadka ku nool ayaa yar oo dad yar Dawlad looma aqoonsan
karo miyaa? Sidoo kale dadka Woqooyiga ku nool waxaa lagu qiyaasi
jiray intii aysan Somalia burburin 2 ila 3 Malyan oo qof. Sidoo
kale waxaa jira Jaziirado sida Murishiya oo ay ku nool yihiin
dad aad u kooban oo Dawlad ah codna ku leh Jamciyada Quruumaha
ka Dhaxaysa.
3.Ma dhaqaalaha ayaa ku yar? Sidoo kale tan sabab ma ahan oo
Somaliland xoolo,beer, bad iyo Patrool ku filan ayeey leeyihiin.
4.Ma nabad galyo la,aan baa ka jirta oo qabaa,il ayaa ku dagaalamaya
darteed miyaa loo aqoonsan waayay? Waa maya oo Woqooyi nabad
baa ka jirta qofna uusan dafiri karin.
5.Ma waxaa la diidan yahay in ay Jamhuuriyada Soomaliya kala
go,do oo Midnimada iyo Dawladnimada Soomaliyeed baa loo daneenaya?
Jawaabtu waa maya.
Sababta kaliyah oo loo aqoonsan waayay waxa weeye in Soomaliya
Dawladii u dhisnayd laga dumiyo ka dibna aan la ogolaan dib
danbe in ay usoo noqoto si Qaran Soomaliyeed dalkoodi hooyana
gacanta lagu dhigo.
Hadii Koonfur go,i lahayd oo Dawlad isku magacaabi lahayd isla
sidaas uun bay ahaaan lahayd.
Hadii Somaliland la aqoonsado waa Libaax xarig laga furay oo
cid maamuli kartaa ma jirto, aduun waynahana cod adag ayeey
ku yeelanaysaa, ninkii markii hore ku fikiray in Somaliweyn
qabsado dani uguma jirto in uu aqoonsado Somaliland oo ay ku
nool yihiin dadkii Soomaliyeed oo la rabay in Qariidada aduunka
laga tirtiro laguna biiriyo Xabashida.
Qorshaynta Burburka.
Dawladii Maxamed Siyaad Barre markii ay dhisnayd dadka waxaa
lagu mashquulin jiray sidii ay Dawlada u ridi lahaayeen. Markii
xigtay waxaa lagu dagalamayay xukunka oo jabhadihii baa la isku
diray. Ka dib hadda waxaa laisku sii jeediyay Dawlad Goboleed
. Waxaa ku xigi doona in dadka Soomaliyeed dhulka laga dhameeyo,
wax la dilo,wax gaajo iyo cudur laayaan,wax bahal cuno,ama bad
liqdo, wax baxsada oo dalku sidaas dad la,aan kusoo baxo, lana
qaato.
Tirtirida Magacii Soomaliyeed.
Qorshaha burburinta Soomaliya waxaa daliil u ah in hadda magacii
Somali uu sii dhamaanayo oo Dawlad goboleedyada aan lagu arag
magacii Soomaliga ahaa sida Puntland iyo kuwa soo socda Jubbaland
Hiiranland Banaadirland iwm. Waxaa Somaliland lagu khasbi doona
in ay magaca iska bedesho sidii Jabouti loogu khasbay. Waxaa
lagu maaweelinaya in ka dib Dawlad Goboleedka ay dhisan doonaan
Dawlad dhexe ( Feder Somalia ) oo isku keenta dhamaantood. Taasi
waxba kama jiri doonaan. Waxaana laga saxiixanaya in Gobol kastaaba
uu xiriir toos ah la yeesho Ethiopia, halkaasna laga xukumi
doono, kadibna ay ku biiri doonaan Xabashida oo halkaas Soomaliya
lagu liqi doono.
Qofkasta oo Soomali ah oo Islaam
ah oo wadani ah waa inuu arrimahaas ogaada isna hortaago.
Taasi waa midda cadawga rabo in ay Soomaliya ku danbayso, laakiin
Ilaahayn tiisu meel ayeey taala, ( Nin Alle leh ma iisho, sidey
u il daran tahayn uma Alle la,a ) Ayeey Soomalidu tiraahdaa.
Soomaliya waxa ay ku danbaynaysaa siduu Ilaahay ka dhigo iyo
innagu dadaalka aan la nimaano, waxayna u dhawdahay in la helo
dad ka fiican kuwii hore oo garta wadada wanaagsan iyo sharafta
ay leedahay qaranimada iyo muslinimadaba.
La soco qaybta xigta....
Abdikarim Axmed Xuseen
abdikarim@switched.com