Shacbiga Maxamed
Dheere,Cabdifitaax Shaaweeye iyo saaxiibbadood Dooranayaa waa
ku weee? ( Faallo)
Marka la eego dhibaatooyinka xasuuqa,xaq darrada iyo xaasidnimada
ku dhisan ee maamulkii uu madaxda ka ahaa Maxamed Cumar Xabaab(Maxamed
Dheere) ay u gaysteen shacbigii Soomaaliyeed ee isaga iyo saaxiibadiis
ka hor ku noolaa Magaalada Muqdisho iyo deegaannada hoos yimaada
waxaa xaqiiqo ah in waqtigaan tiro aan la soo koobi karin ay
kala noqdeen kuwo ciidda ka hoos maray dhimasho ka dib. Kuwo
si xun loo jir dilay.kuwo naafo iyo dhaawac halis ah la kala
il daran,kuwo qaxooti ku kala ah dalka gudihiisa iyo dibaddiisa,kuwo
nolol xumo dhaqaale,deegaan iyo hoy la,aan la dhibaataysan,kuwo
badaha ku harqaday,kuwo waxbarasho iyo mustaqbal kalaba beelay,kuwo
shaqooyinkoodii ay bur bureen iyo kuwo Xabsiyo beeneedyo si
xaq darro ah wali ugu jira.
Marka la qiimeeyo hadallada Maxamed Cumar Xabaab(Maxamed Dheere)
iyo Cabdifitaax Ibraahin Shaaweeye ee ah in ay wax u qabteen
shacbiga Soomaaliyeed ee reer Muqdisho ,waa kuwee shacbigaasi
xagayse joogaan ,ma mooryaanta ay dadkii Soomaaliyeed laaya
ku oron jireenbaa.ma Mooryaanta isbaarooyinka shacbiga sida
aadka ah loogu dhibaatooyo ay u dhigeenbaa sida dhaca .dilka,kufsiga
,qafaalka iyo hagar daamooyinka kale fulintooda ugaga amar qaadan
jiraybaa,ma afar afarta maleeshooyinka ay isku habta yihiin
ee waariyaysaa ,ma Cabdullaahi yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddibaa?
Mise waa Ciidamada Gumaysatada Ethiopia ee dalka Xoogga iyo
xaqdarada ku soo galay xasuuqa taariikhdu ay xusi doontana u
gaystay walina u gaysanaya shacbiga Soomaaliyeed ee aan waxba
galabsanbaa?
Marka lays dhinac dhigo dhibaatooyinka ay ciqaabtoodu aaqiro
iyo adduunba dabo joogi doona oo ay gaysteen Maxamed Dheere,Cabdifitaax
Ibraahin Shaaweeye iyo saaxiibadood iyo hadalladooda ah in ay
dooran doonaan shacbiga Soomaaliyeed oo qiimeeynaya waxyaabihii
ay u qabteen iyo xaqiiqda jirta waxaa lagu matali karaa mahmaahyooyinka
Soomaaliyeed ee ay ka midka yihiin: Tuug sankiisa ayuu buur
moodaa.Umuli illoowiyo dhawaa.naduub fale waa hilmaamaa ,mase
hilmaamo danuub lagu fale
Hadalladii Maxamed Dheere uu ku muujin jiray sida uu u amrayo
raaligana uga yahay in dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho dhinackasta
loo dhibaateeyo waa hadallo wali ku kala duuban qalabka wax
kaydiya ee Saxaafadda.kan tariikh dhaxdooyin kaydiyayaasha iyo
maskaxda dad badanba.
Dhinaca kale marka uu Maxmaed Dheere leeyahay anigu waxba dambi
ma galin dadna ma laynin oo waxaan ahaa Munashiibiyo waxaana
wax laayay Baarlamaankii Ciidamada Ethiopia keeniddooda ansixiyay
iyo ciidamadii amarkaasi laynta ah fuliyay ma runtiisbaa? ,mise
waa been xaqiiqda aad ugaga fog xaaraanna ah ,tan kalana in
hadalkaasi uu dhibaatooyinka uu galay uu ka difaaci doono run
ahaan ma sidaasi uyuu aamin san yahay mise waa dheel dheel iyo
digasho uu ku diganayo shacbiga Soomaaliyeed?
Guntii gunaanadka Faallada waxaan ku leenahay ciddii cimri ku
simo way arki doontaa cidda Maxamed Dheere,Cabdifitaax Shaaweeye
iyo saaxiibbadoodii maamulkii Gobolka Banaadir wixii ay ka qabteen
ku dooran doonta kuwa ay yihiin iyo halka uu Maxamed Dheere ka
keeni doono Abuukaatayaasha u horseedi doona in dambiyadii uu
ka galay dadka Soomaaliyeed gaar ahan kuwa reer muqdisha uu bari
ka yahay.