SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wasiirka Gaashaandiga oo ka bixitanka Ciidanka Itoobiya ku sheegay in somalida laga rabo in dalkooda difaacdaan

General C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababaha keenay in Ciidanka Itoobiya ay isaga baxaan qeybo badan oo ka tirsan Gobolada Dalka, oo qaarkood ay la wareegeen Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya ilaa iyo hada in aysan heyn macluumaad dhab ah oo ku aadan ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Degmoyinka qaar, hase ahaatee wuxuu sheegay in arintan ay tahay siyaasad u gaar ah Dowladda itoobiya.

Wuxuu ugu baaqay Dadka degan deegaanada iyo Degmooyinka ay la wareegeen Shabaab in ay xaalada dejiyaan oo ay iska yareeyaan wal walka iyo cabsida, waxaana uu sheegay in Dowladda ay dadaal badan ku bixineyso sidii ay dib ugala wareegi laheyd Shabaab Degmooyinkaas.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®