SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wasiirada Koonfurgalbeed oo kulan deg deg ka yeeshay Xaalada Degmada Tiyeegloow

Golaha wasiirada Maamulka Koonfurgalbeed ayaa xaley kulan deg deg ahaa ka yeeshay Xaalada degmada Tiyeegloow ee gobolka bakool oo ay shaley isaga baxeen ciidanka itoobiya iyadoona al –shabaab ay la wareegen gacan ku heynta degmadaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa diirada lagu saaray xaalada ay wajaheyso degmadaasi xili ay si iskooda ah ay isaga baxeen ciidanka Itoobiya,waxana dhinaca kale degmada iyagana isaga baxay maamulki degmadaasi ka ariminayay.

Golaha wasiirada koonfurgalbeed ayaa si weyn u dhaliilay qorshaha ay ciidanka itoobiya ay ku baneenayaan deegaanada qaar ee gobolka bakool.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray der dergelinta dhismaha ciidanka koonfurgalbeed si ay u xaqiijiyaan amaanka deeganada ay ka baxayaan ciidamada itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka koonfurgalbeed Xasan cabdi Maxamed ayaa sheegay in al shabaab ay odayaal ay ku dhibaateeyeen degmada tiyeegloow.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in sababaha itoobiya ay kaga baxayaan ciidankeeda gobolka bakool ay qeyb ka tahay arimo dhaqaalo oo soo wajahay ciidanka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®