SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dagaal Xaley ka Dhacay Deegaanka Nambar-50 ee Gobolka Sh/hoose

Wararka aynu ka heleyno deegaanka N-50 ee gobolka shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal cusul uu xaley deegaankaas ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya iyo kuwa al shabaab.

Dagaalka oo aad u xoogan ayaa abaaro 1:00 habeenimo waxa ay al shabaab ku qaadeen fariisimo ciidamada dowlada ay ku lahaayeen deegaano kaaabiga ku hayo N-50.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa risaas xoogan oo ay labada dhinac is weydaarsanayeen mudo ku dhow saacad.

Lama ogo qasaaraha rasmigia ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka ka dhacay gobolka shabeelaha hoose balse al-shabaab ayaa mudooyinki la soo dhaafayay waxa ay weeraro ku qaadayeen fariisimada ciidamada dowlada iyo kuwa amisom ay ku leeyihiin gobolka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®