SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

90 Tahriibayaal ah oo lagu la’ yahay Xeebaha dalka Libya.

Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi , Ayuub Qaasim ayaa sheegay in la la’ yahay in ka badan 90 qof, kuwaasi oo ay la degtay dooni ay ku safrayeen.

Waxa uu intaasi ku daray inay Tahriibayaasha waaberigii hore ee shalay ka soo shiraacdeen Xeebra Degmadda Garabulli oo 50-KM Brai kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Afhayeenka waxa uuu xusay inay 29 Tahriibe ka soo badbaadiyeen meel 26 mayl ka baxsan Xeebaha Bariga magaalladda Tripoli, isla markaana la la’ yahay 97 Tahriibayaal laga cabsi qabo inay ku hafteen badda.

Dadka la soo badbaadiyey ayaa sheegay inay 126 qof ku saarnaayeen dooni nooca Caagga, isla markaana ay Doonidu degtay kadib, markii ay Tahriibayaasha hal dhinac isku buurteen, taasi oo keentay inay doonida dhinac u liicdo, kadina ay Tahriibayaal badan ku le’daan.

Dhinaca kale, QM ayaa sheegtay inay sannadkan oo kale Badda ku hafteen in ka badan 3,740 Tahriibayaal ku haminayey inay mar uun cagta saaraan Qaaradda Europe.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®