SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faah Faahinta Warar ku saabsan xaalada Tiyeeglow oo saakey Degan

Xaalada Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa saakay, waxaana maalinkii labaad gacanta ku haya Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, kadib markii shalay ay la wareegeen.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa aroortii hore ee shalay waxa ay isaga baxeen Degmada Tiyeeglow, waxaana saacado kadib qabsaday Shabaab.

ka bixitaanka Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee Degmada Tiyeeglow ilaa iyo hada si dhab ah uma cada, sababta ay uga baxeen.

Al-shabaab ayaa shalay waxa ay kulamo la qaateen dadka degan Degmada Tiyeeglow iyo Deegaanada ka akdhow, waxaana ay u jeediyeen khudbado, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka Deegaanka ayaa cabsi badan ka qaba in halkaasi uu ka dhaco Dagaal, waxaana shalay barakacay dadka qaar ee halkaasi deganaa.

Maamulka Koonfur Galbeed oo shalay ka hadlay qabsashada Shabaab ee Degmada Tiyeeglow ayaa waxa ay sheegeen in ay bilaabi doonaan Holwgal Shabaab looga saarayo Degmadaasi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®