SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Midowga Afrika iyo Midoga Yurub oo isku raacay Taggeerida Doorashadda Somalia

Shir Sannadeedkii 9-aad ee Wada-tashiga Wadajirka ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Euroipe ayaa lagu soo gebagebeeyey caasimdda dalka Belgium ee Brussels.

Kulankaasi ayaa qeyb ka ah Wada-Tashiga Caadiga ee labada dhinac kaga arrinsadaan Jadwalka Shaqo ee Qaaradda Afrika.

Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka Ururka Midowga Afrika, Ambassador Ismail Chergui iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Midowga Europe ee Adeegyadda Dibedda, Ambassador Jean-Christophe Belliard ayaa ka qeyb galay Kulankaasi oo ay si wadajir u shir-guddoomiyeen Guddoomiyaha Bishan ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Ambassador Catherine Muigai Mwangi oo u dhalatay dalka Kenya iyo Madaxa Joogtada Ergadda EU-da ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika,Ambassador Walter Stevens.

Ajendaha looga hadlay Kulankaasi waxaa ka mid ahaa Xaalladaha ka taagan dalalka Somalia, Kongadda Dimuqraadiga, Afrika Dhexe, South Sudan, Burundi, Maali, Gini Bisaaw, Is-dhaafsiga Xogaha La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, Xag-jirnimadda, Colaadaha Xag-jirka iyo Tahriibka.

Golayaasha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Europe waxay isku raacewen inay si wadajir u xoojiyaan Taageeradda la siinayo Dadaalka Siyaasadeed ee Somalia, taasi oo horseedayso Dimuqraadiyeynta, Federalaynta somalia.

Waxay kale tilmaameen inay muhiim tahay in Doorashadda Somalia lagu qabto Jadwalka loogu talagalay iyo in la xushmeeyo Koontadda Haweenka ku yeelan doonaan Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.

Dhinaca kale, Golayaasha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Europe waxay isku raaceen in la taageero Dagaalka AMISOM kula jiraan Xarakadda Alshabaab iyo in la dhiso Ciiddanka Qaranka Somalia si ay Hawlgalka AMISOM ugala wareegaan Hawlaha sugidda Ammaanka Somalia.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®