SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamada Ethopia iyo kuwii Kuufur galbeed oo Saakay ka Baxay Degmada Tiyogow ee Gobolka Bakool iyo Barakac ka socda

Wararka ka imaanaya degmada Tiyogow ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in Cidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ay wadaan qorshihii ugu dambeeyay ee kaga baxayaan degmadaas.


Taliyaha Ciidamada Malatariga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Cabdi Ibraahim Taakow ayaa sheegay in Ciidamada malatariga Ethopia ay baxeen degmada tiyoglow ee Gobolka Bakool islarmarkaana dhankoooda ay ay ka baxeen.

Cabdi Ibraahim Taakow waxa uu beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay dhankooda ka baxeen degmada Tiyogow ee Gobolka Bakool wuxuu carabka ku adkeeyay in ay dagaalyahanada Al-shabaab oo loogu bartay in ay la wareegaan goobaha ay ka baxaan ciidamada Ethopia.

Dhanka kale dadkii ku nolaa degmada Tiyogow ee Gobolka Bakool ayaa bilaababay in ay halkaas ka barakacaan cabsi ay ka qabaan waxyeelo kasoo gaarta hadii kuwa Al-shabaab soo galaan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®