SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo Sheegay in ay Dhex dhexaad ka Yihiin Musharaxiinta

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Ibraahin Iidle Saleebaan oo dalka Cumaan sanadkaan kaga qeyb galaya Shirka guddoomiyayaasha maxkamadaha sare ee dawladaha Carabta ayaa sheegay in hay’adaha garsoorku ay dhex dhexaad ka yihiin musharaxiinta tartamaya, ayna bannaanka ka jooggaan loolanka xiligaan socda.

“Hay’adda Garsoorka kaalinta ay ku leedahay doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan waxa weeyaan in ay xaliyaan waxyaalaha qilaafka keena, iyadoo loo maraayo sharciga, waxaan xiriir la sameenay guddiga doorashooyinka heer federal oo aan ku wargalinay in ay nala socod siiyaan arrimaha doorashooyinka iyo halka la maraayo si markii sharciga la isla yimaado loo xaliyo qilaafka”, ayuu yiri Gudoomiye Ibraahin Iidle Saleebaan.

Qaar kamid ah Musharixiinta Madaxtinimada Soomaliya u tartamaya ayaa ku eedeeyay Hay’adaha garsoorka dalka in ay qeyb ka yihiin loolanka doorashada islamarkaana ay garab taagan yihiin mas’uuliyiin doonaya in ay dib ugu soo laabtaan xukunka dalka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®